Advertisements

Dr. Cali Khaliif oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo.

Halkaan ka akhri

Dr. Cali Khaliif  waxaa uu si caro leh  uga jawaabay  hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed M. Siilaanyo oo ahaa in ay kazoo horjeedaan shirka kasocda Taleex waanu kasoo horjeednaa, isla markaana sheegay in aysan cidna hor istaagi karin maamulkooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Dr. Cali Khaliif Galleyr in ay kawarheleen ciidamo Puntland oo is uruursanaya, wuxuuna yiri: “waxaa naloo soo sheegay ciidamo Puntland ah oo la abaabulayo, balse inaga Puntland iyo Somaliland waanu isaga filan nahay”.

“Maamulkeena deegaanada uu katalin doono waxaa kamid ah Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaanu ugu baaqeynaa ciidamada Soomaaliland ee goboladaasi jooga in ay isaga baxaan” ayuu kusii daray Dr. Cali Khaliif.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA OO COD AH Source: VOA

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: