Afhayeenadda ciidamada Kenya oo sheegay in ay dileen horjoogayaal Al-Shabaab ah, howlgalladii ay ciidamadooda ka fuliyeen Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Afhayyeenadda ciidamada Kenya Colonel Cyrus Oguna oo haatan ku sugan koofurta Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay hawlgalka ciidamada Kenya ay Soomaaliya ka wadaan ayaa wuxuu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabab ay ku naf waayay dagaalladii  iyo duqeymihii ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koofurta Soomaaliya.

Sidoo kale Colonel Cyrus Oguna wuxuu shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ku sheegay in hawlgalka Ciidamada dalka Kenya ay haatan jirsatay Saddax bilood, ayna ku dileen intuu socday howlgalkaas Maleeshiya ka tirsan xarakada Al-Shabab oo tiradoodu gaarayso illaa700 oo dagaalyahan, kuna jiraan saraakiil sar sare iyo maamulo degmooyin.

Sidoo kale Colonel Cyrus Oguna wuxuu sheegay in dagaalladaas ay Kenya uga geeriyoodeen 12 askari oo 5 ka mid ah ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya hase ahaatee waxaa uu ku faanay in ciidamadooda ay xataa Al-Shabab ka qabsadeen dhul badan oo Gedo iyo Jubbooyinka ku yaala.

Dhinaca kale Afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa sheegay in Sababta keentay in ciidamadooda ay Soomaaliya soo galeen, kadib markii ay Al-Shabab falal amaandarri ah ka geysteen gudaha wadanka Kenya.

Colonel Cyrus Oguna oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Hawlgalkeenu sidii aan ugu talo galnay ayuu ku socdaa ciidamadeena dhulka iyo kuwa cirkaba hawshooda ayay wataan“,Wuxuuna  intaa ku daray in Al-Shabab ay dagaalkan ku niyad jabeen oo aysan xilligaan awood u laheyn inay sii wadaan dagaalka, waayo ayuu yiri Colonel Cyrus Oguna in Awooda Al-Shabab ay badi bur burtay oo ay dagaalyahano badan ku waayeen dagaalka ay ciidamada Kenya kula jiraan.

Sida laga warqabo Ciidamada Kenya ayaa waxay Soomaaliya soo galay bartimihii bishii Oktoober ee sanadkii tagay ayaa gobolaada Jubbooyinka iyo Gedo ee ku yaala koofurta dalka Soomaaliya waxana kula dagaalameen dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabaab.

Si kasta ha ahaatee Xarakada Al-Shabab ayaa dorraat magaalada Baardheere ku soo bandhigtay 3 sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska Kenya kuwaasoo ay ka soo qafaasheen deegaanka Girriley oo ay dagaalyahanada Shababku weerareen dabayaaqadii todobaadkii hore.

SomaliSwiss      Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: