Xukuumadda Somaliland oo Caawa Albaabada isugu dhufutay Telefiishanka madaxa-banaan ee HCTV

Halkaan ka akhri

Xukuumadda Somaliland oo Caawa Albaabada isugu dhufutay Telefiishinka madaxa-banaan ee HCTV, ciidamo badan oo Boolis ah ayaa goor dhow xiray, kuwaas oo albaabada u laabay xaruntii baahinta iyo xafiiskii suuq-geynta ee telefiishinku ku lahaa magaalada Hargeysa.

Arintan ayaa ka dambeysay hadalkii uu maanta Madaxwayne Axmed Siilaanyo sida adag eedaynta ugu jeediyey Telefiishinkaasi,  isaga oo ku sheegay qaran-dumisnimo, mar uu baarlamaanka u jeedinayey khudbad sanadeedkii 2012-ka.

Qaar ka mid ah hawl-wadeenada Telefiishinka  ayaa sheegay in boolisku la wareegeen guud ahaan xafiisyada kala duwan ee telefiishinka isla-markaana diideen in wax shaqo ah ka socoto, waxaana dibada looga soo wada saaray guud ahaan hawl-wadeenadii kala duwanaa ee ka shaqeynayay.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa si lama filaan ah buugiisii waxqabad sanadeedka 2011-ka uu ugu weeraray Telefishinka, taas oo ay ka xumaadeen xubnaha saxaafada ee ka hawl-galla hay’adaha warbaahinta ee madaxa-banaan iyo bulshada xaqiiq raadiska ah.

Waa markii labaad ee telefiishinka madaxa-banaan ee HCTV la xiro, waxaana xariga caawa ka horeeyay xarig ay u geysatay xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: