Madhabaa in dowlada KMG ah ay Ethiopia iyo ciidamo beeleedyo u wakiilatay ladagaalanka beelaha daga dhulka ay Al-Shabab kataliso.

Halkaan ka akhri

Madhabaa  dowlada kmg Soomaaliya  in ay ciidamada Ethopia iyo ciidama beeleedyo uwakiilatay ladagaalanka beelaha daga dhulalka al-shabaab kuxoogan yihiin ?????

Ciidmada  Ethiopia oo ay  wehliyaan ciidama beeleedyo ee todobaadkii tagay  horaantiisi lawareegay magaalada baladweyne  kuwaa oo  kala wareegeen maamulka al-shabaab ee ka ariminaya  gobalka hiiraan iyo inta badan goballada koofureed ee soomaaliya   ayaa lasheegay in ay  dhac iyo afduub kuhayaan   dadka daga magaalada baladweyne .

Dadka kunool magaalada baladweyne ayaa sheegay in ay dhac iyo  xeritaanba lagu haaya tan iyo marki ay soo galeen xoogaga Ethiopa  iyo ciidama beeleedyada kagarab dagaalamaya  ,waxana arintaan ay kutilmaameen  in ay tahay siyaasad ay kadanbeeysa  doowlada KMG soomaaliya  oo ay kudooneyso in beela gaar ah lagu   wax yeelaya  sida ay sheegen wax garadka kunool magaalada baladweyne .

 Cabashadaan kasoo yeertay dadka daga galbeed baladweyna ayaa kusoo beegmeysa xili  ciidamada soo duulay ee Ethiopia  iyo ciidama beeleedyada wehliya ay  dhac iyo afduuba kuhayaan shacabka daga galbeedka baladweyne , waxa ayna ku eedeeyeen   dowlada KMG soomaaliya ay taagersan tahay xadgudubka  lagu haya shacabka ayadoo taa usii dheertahay in warbaahinta  kuhadasha afka doowlada KMG soomaaliya  ay kutilmaamtay dadki ay qafaasheen ciidamada itoobiya iyo ciidama beeledyada lasocda  in ay katirsanaayeen xarakada al-shabaab waxaana warbaahinta dowlada ay buun buunisay afduub iyo  dhaci ay geeysteen ciidamada itoobiya iyo ciidamada lasocda.

Waxaana dadka daga magaalada  baladweyn layaab kunoqtay sida ay uga  hadashay dowlada dhaci iyo afduubki loogeeystay ganacsade   Cumar Muxamed Xaaji Quuroow oo idacada kuhadasha afka dowlada ee radio muqdisho   ay kasheegtay  war kafog xaqiiqda  oo ay baahisay  in ganacsade Xaaji Quuroow   u ahaa madaxa maaliyada xarakada al-shabaab ee gobalka hiiraan ,  warbaahinta dowlada ayaa  qarisay  dhaci iyo afduubki loogeeystay  guriga ganacsadaha oo hantibadan ay kaqaateen ciidama beeleedyada iyo ciidamada itoobiya .

Hadaba odiyaasha daga  galbeed magaalada  baladweyne ayaa kutilmamaay xadgudub yadaan in ay tahay aargoosi aan la ogeeyn waxa uu kusaleysan yahay oo ay wadaan madaxda ugu sareeysa dowlada KMG soomaaliya ayagoo ku eedeayay    ra,isul wasaraaha sida oo isaga  indha tiray xadguudbka lagu haya shacabka magaalada baladweyn.

Ra,isul wasaaragha cabdi wali gaas oo booqasha  kutagay magaalada baladweyne maalinti jimcaha ayaa  kaga mahad celiya ciidamada itoobiya iyo maleeshiyaad beeleedyada lasocda sida ay uxureeyen magaalada baladweyne taa umuuqata mid dowlada ay raali ay katahay xadgudubyada lagu haya shacabka daga galbeedka baladweyne  , waxaana sidoo kale   wax garadka daga galbeedka baladweyne ay  ku eedeeyeen madaxweyne  Shariif  Sheikh Axmed in uu kutaageray doowlada itoobiya tacadiyada   iyo dhaca lagu haaya shacabka daga galbeedka baladweyne .

Sida kastaba ha ahaato waxgarad kunool galbeedka baladweyne  ayaa u arka in dowlada KMG soomaaliya ay cadaadis ba,an kuheysa ayadoo marmarsiya kaga dhiganeeysa in ay taagera fiican ay kala kulmin beelaha daga galbeedka baladweyne oo ay dowlada u a aragta in ay taageeraan xaraka al-shabaab  , waxana wax garadkaan ay sheegen in  xiligaan doowlada ay tagersantahay tacadiyada lagu haya shacabka  daga galbeedka baladweyne.

Ugu danbeeyti      dadka kunool magaalada baladweyne ayaa si weyn   ugu carooday sheegashada doowlada KMG  soomaaliya ay sheegatay in ay lawareegeen ciidamada  dowalada magaalada baladweyna oo ay qarisay ciidama beeleedyada kabar bar dagaalamaa xoogaga itoobiya    ,ayagoo  ku eedeyay  dowlada in ay uwakiilatay oo ay raali katahay xadgudubyda iyo beegsashada lagu haaya xiligaan  beelaha daga dhulalka   al-shabaab kuxoogan yihiin  ,waxaana haatan soo baxaysa istaraatiijayada dagaal oo ay  ciidamada itoobiya iyo maleeshiyaadka lasocda ay kudoonayaan in ay kuweeraraan  magaaloyin ku yaala koofurta iyo bartmaha soomaaliya oo  beelaha daga lagu  tilmaamo  in ay tageeraan xarakada al-shabaab. 

Mukhtaar carab muuse

Khartoum-Sudan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: