Ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Meydadkooda laga helay deeganka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya deeganka  Taabta ee gobolka Jubbada Hoose aya  sheegaya in  deegaankaasi laga helay  maydad ay kooxda Al-Shabaab kaga tagtay deeganka Taabta.

Arintaan aya waxaa ka danbeysay kadib markii hal habeen kahor ay dagaalo culus ka dhaceen Deegaanka Taabto ee duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose,
ayay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay sheegtay inay ka heshay meydad.

Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay dhawr meydad ah ka helleen Deegaanka Taabto, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in meydadkaasi ay ku dhinteen dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Deegaanka Taabto, isagoo intaasi ku daray in raggaasi ay u badnaayeen niman dhalinyaro ah, ayna iyagu u sameeyeen aas.

Maxamed Faarax Daahir ayaa wuxuu tilmaamay ay aaska dhalinyaradaasi Shabaabka ka tirsanayeed ay si wadajir leh u aaseen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya.

Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu Xoogaga Shabaab uu ku eedeeyay inay dagaalada ku soo qabsayaan dhalinta Soomaaliyeed, deetana ay uga cararayaan kolka ay wax-yeelo ka soo gaarto, sida uu yiri.

SomaliSwiss Taabta

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: