Sarkaal u hadlay Gaashaandhiga Ugandha oo dalbaday in la kordhiyo ciidamada AMISOM.

Halkaan ka akhri

Gen. Jeje Odongo oo ah Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga wadanka Uganda ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga si ay uga guulaystaan Xarakadda Al-Shabab oo magaalada Muqdisho kula dagaalama ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.

Sarkaal ayaa  sheegay in lama huraan ay tahay in la tayeeyo ciidamada AMISM lagana gacansiiyo si dadka soomaalida ay nabad ugu dhaliyaan.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa ku eedeeyay midowga yurub inay ka gaabisay taageerada ciidamada AMISOM iyo dowladda isagoo ugu baaqay in midowga yurub ay ka dhex muuqdaan kaalmada la siinayo ciidamada AMISOM ee midowga Africa ka socda Somaliana ka howlgala, wuxuuna ugu baaqay wadamada Africa ee horey ugu yaboohay inay Ciidamo Soomaaliya keenayaan ay fuliyaan ballamadii ay qaadeen.

Sida lagu soo warramay Gen. Jeje Odongo ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu xusayay tiro geesiyaal ugandha ka tirsan oo Somalia ku geeriyooday waxana xafladaasi ay ka dhacday Serena Hotel oo ku yaala bartamaha caasimadda kampala ee dalka ugandha.
Maj. Gen. Nathan Mugisha oo ah sarkaal hoggaamiya Ciidamada AMISOM oo xafladda ka qaybgalayay ayaa sheegay in howgallada AMISOM ee Soomaaliya intooda badan lagu guulaystay ayna wiiqeen awoodii ka soo horjeeday oee ah xarakada Al shabab, wuxuuna u mahad celiyay ciidamada Kenya oo dhankooda ka qaybqaatay howgalka.

Waxaa xafladaasi ka soo qaybgalay Saraakiil badan oo ka tirsan Ciidamada dalkaas, waxaana ka mid ahaa Col. Peter Elwelu, Col. Godfrey Golooba, Col. Francis Kyemo, Sgt. Sarah Chebet iyo Sgt. Pricilla Atim.

SomaliSwiss  Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: