Halkaan ka akhri
Maj. Emmanuel Chirchir oo ah Afhayeenka ciidamada Dowladda Kenya oo taleefoonkas kula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxba kama jiraan ku sheegay eedeyn ay ciidamada keny a u jedisay hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo ku saabsanayd in ciidamada Kenya ay xad gudubyo u geystaan dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka waqooyi bari wadankaasi.
Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu xusay inaysan haba yaraatee waxba ka jrin eedeynta in ciidamadodu ay ku xad gudbaan dadka Soomaalida ah waxaase uu sheegay in eedeyntaasi ay ay tahay mid lagu fududaaday sida uu yiri.
Wuxuu kaloo uu sheegay Afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir inay jirto tilaabo ay ciidamadu ka qaadeen dad uu ku sheegay inay si sharci darro goob ganacsi uga dhistay banaanka hore xero ay dad qaxooti Soomaali ah degen yihiin taasoo uu sheegay in ciidamadu ay goobtaasi sharci darrada ah bur buriyeen taasina ay tahay mid sharci ah oo ay ciidamadu xaq u leeyihiin.
Maj. Emmanuel Chirchir oo arrintaad ka hadlayey wuxuu yiri: “Eedeynta Human Rights waa mid aan baaritaan lagu sameyn oo lagu fududaaday ciidamadeenu ma dhibaateeyaan dadka shacabka ah”.
Si kasta ha ahaatee Maj. Emmanuel Chirchir wuxuu waraysiga uu siiyay wakaaladda wararka Reuters uu sheegay inay ixtiraamaan qaxotiga Soomaalida oo aysan ku xad gudbin iyadoo waliba ay dhacdo in ciidamada Kenya waxyeelo loogu geysto goobaha ay dagan yihiin qaxaatiga.
Warkan oo ay hay’adda Human Rights ku eeedeysay ciidamada Kenya ayaa sheegaya in ciidamadu ay gabood falyo u geystaan dadka Soomaalida ah ee ku nool wadankaasi iyo kuwa ka gudba xaduuda u dhaxeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya .
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.