Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Gerille ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab ayaa marki ugu horaysay ka hadashay weerar ay xalay ku qadeen xuduuda kala qaybisa Soomaaliya iyo Kenya.

Weerar kedis ahaa ee xalay ka dhacay dalka Kenya ayaa waxaa hadda sheegtay inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, oo dagaalo culus kula jirta ciidamada dowladda Kenya.

Ciidamadda katirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Gerille ee Degmada Wajeer Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, waxayna ku dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.

Weerarkaasi ayay sheegeen kooxda Al-Shabaab in ay kusoo afduubateen ilaa 6 qof oo u dhashay dalka Kenya, waxaana dadkaasi ku jiray mid ka mid ah dadka Soomaalida ah, balse ah Soomaalida degta dalka Kenya.

Warbixin goor dhaw ka soo baxday Xafiiska Warfaafinta kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegy in ay ka dambeysay weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Gerille,  Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in weerarkaasi ay kooxda Al-Shabaab ku disheen qaar ka tirsan ciidamadda Booliska ee dalka Kenya, iyadoo dhinaca kalena lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan qaar ka tirsan Saraakiisha ciidamadda ee dowladda Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay sii wadi doonnaan weerarka ka dhanka ah dowladda Kenya oo ay sheegeen inay dhibaato xoogan u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkooda ku sugan iyo meelaha ay uga soo duuleen dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: