Advertisements

Xukuumadda Britain oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Shir ay soo qaban-qaabisay dowladda Britain oo hor dhac u ah shir ay  dowladda Britain ay Soomaaliya ugu qaban doonta magaalada Lonodon ee Caasimadda dalka Britain, ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasi oo ay ka qeyb galeen diblumaasiyiin caalami ah iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Shirkan oo ka dhacaayo  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Diblomaasiyiin caalami ah oo arrimaha siyaasadda Soomaaliya si aad ah ula socda.

Sida lagu soo warramay waxaa shirkan dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Afhayeenka Xukuumadda FKMG Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow, wuxuuna Warbaahinta u sheegay in shirka uu hor dhac u yahay shirka ay dowladda Britain  ay Soomaalidu ugu qaban doonto bisha February magaalada London , wuxuuna tilmaamay in shirkaas diiradda lagu saari doono waxyaabaha ugu muhiimsan oo wax loogu qaban karo xaaladda Soomaaliya.

Eng Yariisoow ayaa sheegay  in diblomaasiiyiintii ka soo qeyb gashay shirka in ay si aad ah u gorfeeyeen sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo sidii looga dhigi lahaa ciidammo qalabeysan oo awood u leh in ay sugaan ammaanka guud ee dalka.

Dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda FKMG Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale la isku soo qaaday in la xoojiyo ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyo in kordhiyo tayada iyo qalabka AMISOM.

Si kasta ha ahaatee Eng Yariisoow wuxuu sheegay in caalamka loo soo jeediyay in ay bixiso dhammaan kharashaadka lagu fulinayo arrimaha la soo jeediyay, isla markaana ay dowladda Britain ay qaadatay qodobadii ka soo baxay shirka Nairobi ka dhacay kuwaa oo la hor geyn shirka ka dhaci doono magaalada London.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: