Mareykanka oo Askari ka tirsanaa Ciidamadooda ku eedeeyay inuu ku biiray Xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Waaxda Cadaaladda wadanka Maraykanka ayaa waxay  ku eedeeysay Askari Maraykanka ah oo magaciisa lagu sheegay Craig Benedict Baxam inuu ku biray Xarakada Al-Shabaab.

Sida lagu soo warramay Askarigan ayaa wuxuu horey uga tirsnaan jiray ciidamada Maraykanka waxaana haatan lagu xiray dalka Mareykanka kadib markii lagu eedeeyay inuu doonayay inuu ku biiro Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Waxaa la soo sheegay in ninkaan laga soo qabtay garoonka diyaaradaha magaaladda Washington xilli uu doonayay inuu Soomaaliya u soo safro si uu ugu biiro dagaalyahanada Al-Shabab waxaana la qabtay galinkii dambe ee maalinimadii Isniinta.

Hay’adaha ammaanka (FBI) wadanka Maraykanka ayaa caddeysay in Craig Benedict Baxam oo 24 sanno jir, wuxuuna ka tirsanaa ciidamada Maraykanka, sidoo kale  waxaa ninkan lagu eedeeyay inuu damacsanaa inuu tago wadanka kenya kadibna uu Soomaaliya soo aado si uu uga mid noqdo ragga Al-Shabab u dagaalama.

War ka soo baxay Hay’adda FBI,da Maraykanka ayaa sheegaya in Askarigan uu su’aalo laga  weydinayo arrimihii lagu soo eedeeyey ee ahaa  inuu xiriir la leeyahay Al-Shabab waxaana waaxda cadaaladda Maraykanku sheegtay inuu Diinta Islamka qaatay sanado ka hor Baxman ayaa waxaa laga soo xigtay inuu mar yiri ” Waxaan doonayaa inaan dagaal ku dhinto si aan Janno u galo” hadalkaasna waxaa uu sheegay mar ay ay su’aalo waydiiyeens saraakiil FB.da Maraykanka ka tirsan.

Sida la sheegay Askarigan ayaa waxa uu ka soo hawl galay intii uu ciiidamada Maraykanka ka tirsanaa wadamada Ciraaq iyo South Korea waxaana haddii lagu helo dambigaan uu wajahayaa xukun ah 15 sanno oo xarig ah.

Si kasta ha ahaatee  Al-Shabab ayaa waxaa la sheegaa inay ka garab dagaalamaan dagaalyahano aan Soomaali aheyn kuwasoo uu ka mid yahay Abuu Mansuur Al-Amriki oo dalka Maraykanka u dhashay.

SomaliSwiss   Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: