Dowladda Cusub ee Libiya oo dalka Switzerland ka qaadday cuna qabateyntii saarneyd ee dhaqaalaha.

Halkaan ka akhri

Shalay oo ahayd isniin ayaa  waxaa si rasmi ah Dowladda Cusub ee liibiya uga qaaday Cunaqabateyntii dhaqaalaha ee uu ku soo ragay  dalka Switzerland hoggaamiyihii Liibiya Mucammar Qadaafi, sidaas waxaa ku dhawaaqay Xoghayaha dhaqaalaha ee Dowladda Cusub ee dalka Liibiya Ahmad al-Kouchli.

Xoghayaha dhaqaalaha ee Dowladda Cusub ee dalka Liibiya Ahmad al-Kouchli ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Liibiya ay sii wadi doonto xiriirkii ay la lahayd Wadamada Caalamka ee ku dhisnaa is xushmeynta iyo wax wada qabsiga.

Cunaqabateynta dhaqaalaha ee saarnaa dalka Switzerland wuxuu ku dhashay, kadib markii magaalada Geneve ee dalkan Switzerland lagu xeray  Hannibal Gheddafi Sannadka markuu ahaa 2008da, sidaas darteed wixii waqtigaas ka danbeeyey waxaa billaabmay dood iyo iska hor imaadyo ka dhaxeeya labada dal iyo labada Dowladood.

Dhinaca kale Xoghayaha dhaqaalaha dalka Switzerland (SECO) ayaa caddeeyey in wax kala beddelashada laba-geesoodka ah oo in muddo ah si aad ah u dhaawacmay, balse haatan la rajeynaya inuu dib u hagaaga.

SomaliSwiss  Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: