Ra’isal wasaare C/weli Gaas oo saaran miiskii xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Baarlamanka.

Halkaan ka akhri

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka la keeni doono mooshin lagula xisaabtamayo xukuumada Ra’isal wasaare C/weli Gaas.

Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa mudanayaashii maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay muuqato in xukuumadda C/weli Gaas ay wareersan tahay sidaasi darteedna loo baahan yahay in la tuso shaqadeeda.

“Ra’isal wasaaraha warkiisa maalmahan waa nagu batay, anagu hadda waxaan wadnaa mooshin xukuumada lagula xisaabtamayo, dhowaan ayaana keeni doonaa fadhiga” ayuu yiri Xil. Saleebaan Maxamed Ibraahim.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumada illaa hadda aysan Baarlamanka horkeenin heshiisyo ay soo gashay oo ay kamid yihiin soo gelitaanka ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia oo aan Baarlamanka lagala tashan.

Sidoo kale xildhibaan Cali Maxamuud Faarax [Seeko] ayaa isaguna ku tilmaamay Ra’isal wasaare C/weli Gaas nin shaqadiisa garan waayey, una baahan in latuso, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Seeko waxaa uu intaasi ku daray “Waan aragnay in Ra’isul wasaaruhu shaqadiisii aqooni waayey, misana hadda bannaanka ayuuba isa soo dhigay, isagu gudoomiye Baarlamaan ma doorto mana ahan shaqadiisa” ayuu yiri isagoo ka jawaabayey hadal uu shalay warbaahinta siiyey C/weli Gaas.

Si kasta ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray mudanayaasha ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo uu beryahan warbaahinta siiyey Ra’isal wasaare C/weli Gaas, kaas oo ahaa in uusan aqoonsaneyn gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Madoobe Nuunow Maxamed oo ay doorteen xildhibaanada 4-tii bishan Janaayo 2012.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: