Jiraabey: Ra’isal wasaare C/weli Gaas waxaa uu Baladweyne u tagay sidii uu isaga horkeeni lahaa reer Hiiraan, lakin taasi madhaceyso.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan iyo Midland C/qaadir Aadan Jiraabey oo aanu wareysanay ayaa inoo sheegay in uu kaxun yahay hadalkii kasoo yeeray Ra’isal wasaare C/weli Gaas, kadib markii uu dhowaan booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hiiraan and Midland waxaa uu yiri “Ra’isal wasaare C/weli Gaas waxaa uu Baladweyne u tagay sidii uu isaga horkeeni lahaa reer Hiiraan, lakin taasi madhaceyso waayo wey kagudbeen shacabka”

Jiraabey ayaa intaasi ku daray in C/weli Gaas aan lagala tashaneyn maamul usameynta reer Hiiraan, isla markaana looga baahneyn in uu soo hadal qaado.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: