Hogaanka ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan oo sheegay inay Al-Shabab ka xureynayaan gobolka.

Halkaan ka akhri

Hogaanka Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray in ay guud ahaan gobolka ka saari doonaan malleeshiyaadka haraadiga ah ee halkaasi ku dhuumaaleysanaya ee Shabaab.

Sida la wada ogsoon yahay Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay howlgallada ka wadaan qaar ka mid ah gobollada dalka, sidaas darteed waxaa saraakiisha ciidammada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ay sheegeen in dhawaan ay soo gabagabeen doonaan jiritaanka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

C/llaahi Barre  oo ah Taliyaha ciidammada Xoogga ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee  ku sugan  Hiiraan in ay u diyaar garoobeen sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen deegaannada kale ee Al-Shabaab uga sugan yihiin gobolka.

Sidoo kale taliyaha wuxuu dhaartay in aysan joogsan doonin inta ay Ishooda qabaneyso malleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, isagoo xusay in ciidammada Xoogga ay muddo ku jireen diyaarinta Istaraajiyadda howlgalka.

Si kasta ha ahaatee haddalka taliyaha ciidammada Xoogga ee gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xilli dhawaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan laga saaray Al-Shbaaab , isla markaana oo jab xooggan lagu gaarsiiyay argagaixisada Shabaab.

Dhanka kale dhaqdhaqaaq  xooggan oo xagga Ganacsiga ayaa laga dareemayaa magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii halkaasi laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo xayiraad ku heysay Ganacsatada magaalada Baladweyne.

Sida lagu soo warramay waxaa magalaada Baladweyne oo muddaba ka jirtay xayiraad Ganacsiga oo ay ku heyeen malleeshiyaadkii laga xoreeyay ayaa waxaa ku soo  laabtay dhammaan qeybaha  Ganacsiga, iyadoo magalaada dib looga billaabay dhismayaal cusub oo xagga Ganacsiga ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in magaalada  Baladweyne ay tahay mid wanaagan, oo  markii hore ay dhibaato Xoggan ku hayeen kooxdii laga dulqaaday ee Shabaab, isagoo sheegay in dadka deegaanka ay haddal hayaan dhibaatadii ay kala kulmi jireen malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Nin magaciisa qaray ayaa wuxuu xusay in Shababka ay dadka ka qaadi jireen lacago baad ah isla markaana ay Ganacsatada goobahooda Ganacsi ka carari jireen, isagoo  intaa ku daray in dadka deegaanka ay aad ugu faraxsan yihiin in Al-Shabaab Baladweyne laga xoreeyo, oo ay  kuu sheegayaan in Shabaabka ay uga daba tagayaan goobaha ay ku dhuuleysanayaan, si ay ugu far muuqaan ciidammada qaranka Soomaaliyeed ee kooxdaasi ku raad joogga.

Hase ahaatee Saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa dib ugu yeeray hey’addihii gargaarka si loo hello gurmad buni’aadanimo oo ay loo fidiyo  dadka magaaladaasi ku nool , iyadoo hadda jawiga magaalada laga dareemayo degnaansho aysan hellin muddo,  kadib markii laga eryay kooxda horarka ah ee Al-Shabaab.

SomaliSwiss        Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: