Dowladda Imaaraadka oo Martigelin doonto shir wayne looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay marti-gelinayso bisha February shir weyne looga hadlaayo Xaalada dalka Soomaaliya kaasi oo ay ka soo qeyb galayaan wafuud heer caalami ah.

Anthony Safari oo ah Ku xigeynka ergeyga Wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha geeska Afrika oo saxaafadda ku lahadlayey magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegey in shirkaasi uu soconayo hal maalin oo qura, isagoo hoosta ka xariiqay in shirkaasi looga hadlayo sidii dalka Soomaaliya Nabad buuxda uga dhici laheyd.

Anthony Safari oo ka hadlayey arrinta shirka wuxuu yiri: “Imaaraadka Carabta waxay marti galinayaa shir weyn oo ay kasoo qeyb galayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku hayo oo ay ku jirto Xarakada Al Shabaab taasi oo aan ku dooneyno in aan xal buuxa u helno xaaladda dalka Soomaaliya”.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in caalamka uu u soo jeedsatay wax ka qabashada xaalada dalka Soomaaliya, iyadoo farta ku fiiqday in bisha soo socota oo kaliya wadama badan ay qabanayaan shir looga hadlayo Xaaladda dalka Soomaaliya.

Sida ay horay u sheegeen  Wadamada Ingiriiska iyo Kenya ayaa waxa in bisha February ee soo socota ay qabanayaan shirweyne looga hadlayo Xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana la’ogeyn waxa shirarkasi ay ka badaleyso Xaaladda dalka Soomaaliya

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: