Shirkadaha Xawaalada Soomaalida Mareykanka oo loo fasaxay in ay diraan lacagihii ay u diri jireen dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Shirkadaha Xawaalada Soomaalida Mareykanka ayaa waxaa loo fasaxay in ay diraan lacagihii ay u diri jireen dalka Soomaaliya, taas oo ay u diri jireen Soomaalida ku dhaqan Minnisoto eheladooda ku sugan gudaha Wadanka Soomaaliya.

Kadib markii Soomaalida ku dhaqan Gobolka Minnesota laga joojiyay in ay lacago u diraan gudaha dalka Soomaaliya, ayaa waxaa maanta laga qaaday xayiraadii lagu soo rogay 3-da bishii December ee sanadkii 2011-ka.

Xawaaladaha ayaa waxaa lagu amray in aysan diri karin wax ka badan shan boqol oo Dollarka Maraykanka ah “$5,00USD”, waxaana la sheegay in ay mamnuuc tahay in ay diraan wax ka badan intaasi.

Franklin Bank oo horey u joojiyay inuu diro lacagaha ay dirayaan Soomaalida ku dhaqan Gobolka Minisoto, ayaa waxay cabsi xoogan uga timid Dowladda Maraykanka, maadaama lacago laga diray Gobolka Minisoto ay gaareyn Xoogaga Shabaab.

Soomaalida ku dhaqan wadanka Mareykanka gaar ahaan Gobolka ay ku badan yihiin ee Minnisoto iyo Shirkadaha Xawaaladaha ee ka hawl-galla ayaa aad usoo dhoweeyay amarkan lagu fasaxay lacag dirista.

Dowladda Mareykanaka ayaa dhowaan soo saartay amar ay ku joojisay xawaaladihii Soomaalida in ay Soomaaliya u diraan lacag, isla markaann Soomaalida halkaasi ku dhaqan ayaa sameeyay Banaanbaxyo waaweyn oo ay uga soo horjeedaan in loo-diido inay lacago u diraan eheladooda ku dhibaateysan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Minnesota

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: