Ra’isal wasaare C/weli Gaas oo sheegay in aysan aqoonsanayn Maamul kashaqeeya Hiiraan.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA RA’ISAL WASAARAHA

Ra’isal wasaaraha xukuumada  KMG Soomaaliya C/wali M. Gaas ayaa sheegay in ciidamada dowladda Ethiopia ay sii joogi doonaan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in aysan aqoonsayn Maamulka Dooxada Shabelle.

C/wali Gaas oo saxaafadda la hadlaayay ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay sii joogi doonaan goobaha ay uga sugan yihiin dalka Soomaaliya, inta laga saarayo dalka kooxda Al-Shabaab, isla markaana ammaanka dalka oo idil laga sugayo.

Ra’isal wasaaraha oo sidoo kale ka hadlayey xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa yiri: “Ethiopia iyo Soomaaliya hal cadow ayay leeyihiin, sidaas darteed waxay leeyihiin hal ujeedo inta uu jiro cadowgaas” kadib booqasho uu ku tagay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo C/weli waxaa uu sheegay in howlgalada ka soconaya Gobolka Hiiraan ay horkacayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo waliba Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, hase yeeshee waxaa uu caddeeyey in uusan aqoonsaneyn  Maamulka Dooxada Shabeelle.

Dhinaca kale C/wali Gaas wuxuu si caddaan u sheegay in aysan jirin wax maamul ah oo ay aqoonsan yihiin oo ka jira Gobolka hiiraan, wuxuuna sheegay in aysan mar kale dhici doonin in ay dib ugu soo laabtaan deegaanada ay qabsadaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: