Midowga Afrika oo ka dalbaday ciidamada Kenya iyo kuwa Jabuuti ee ka howlgalaya Soomaaliya inay soo gaba-gabeeyaan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.

Halkaan ka akhri

Midowga Afrika ayaa Ciidamada Kenya iyo kuwa Jabuuti ee ka howlgalaya wadanka Soomaaliya ka dalbaday inay soo gaba gabeeyaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

War kasoo baxay golaha ammaanka iyo nabadda Ururka Midowga Afrika ayaa loogu baaqay Ciidamada Milatariga wadanka Kenya iyo kuwa Jabuuti inay soo afjaraan dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay iska kaashadaan Ciidamada kale ee Ururka Midowga Afrika.

Warka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika ay rajaynayaan dhawaan in lagu soo daro Ciidamo dheeri ah si kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya tiradoodu looga dhigo 17-kun 7-boqol oo askari.

“Haatan Ciidamada jooga Somaliya waxaa lagu qiyaasaa 10-kun oo askari, waxaana ay ka yar yihiin 12-kun oo askari oo ahaa tiradii ay ansixiyeen Qaramada Midoobay sanadka markii uu ahaa 2007-dii, laakin haatan Ururka Midowga Afrika uu dalbaday Ciidamo dheeri ah”  sidaasi waxa sheegay Ururka Midowga Afrika.

Warka ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ee ayaa kusoo aadaya xilli guud ahaan gobolada dalka ay ka soconayaan qorsho balaaran oo la doonayo in lagula dagaalamo Al Shabaab.

SomaliSwiss    Addis’ Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: