Advertisements

Jabuuti oo uu maanta ka furmaya shirar looga hadlayo arrimaha Dastuurka iyo Baarlamanka IGAD oo ka doodaya Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ka furmaya shirar looga hadlayo arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Baarlamaanka IGAD oo ka doodaya Xaaladda Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay Shirka ugu horeeya ee maanta ka furmaya magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaawaxaa loogu doodayaa qabyo qoraalka dhameys tirka Dastuurka dalka, iyo sidii  loogu soo afmeeri lahaa waqtigii loo qabtay.

Waxaana Shirkaasi Soomaaliya uga qeyb galaya wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxda banaan ee loo xil-saaray Dastuurka, xubo ka socda Midoowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.

C/llaahi Xasan Jaamac oo ah Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Dastuurka ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xooggan oo ku aadan in bisha May ee sanadkaan Dastuurka uu hir galyo, isla markaana hadda ay uruuriyanaan tallooyinkii ku saabsaabsanaa.

Sidoo kale waxaa isla magaalada Jabuuti ka furmaya shir ay isugu imaanayaan Baarlamaanka IGAD, kaasi oo ay ka soo qeyb galayaan Guddoomiyaasha Baarlamaannada dalalka IGAD.

Dhinaca kale Kulankaasi Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdi Weli Ibraahim Seekh “Muudeey”  iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Balse Kulanka Jabuuti uga furmaya Baarlamaanka IGAD ayaa waxa si gaar ah looga doodi doonaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan khlilaafka hareeyay Baarlamaanka.

SomaliSwiss     Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: