Faarax Macali oo taageeray xiika qaadista dhowaan lagu sameeyay gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA FAARAX MACALI – SOURCE VOA

Gudomiye ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Faarax Macalin ayaa taageray markii ugu horaysay go’aankii Baarlamanka dowlada KMG Soomaaliya ay Xilka kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan.

Faarax Macalin oo wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in xildhibaanada ay ku saxan yihiin xilkii dhawaan ay ka qaadeen Shariif Xasan Shiekh Aadan.

Sidoo kale Faarax Macalin waxaa uu sheegay in Baarlamanka uu yahay  hay’ada ugu sareysa wadan walba, tusaale Madaxweynaha Kenya waxaa u no soo gudbiya Sharciyo Baarlamanka hadii uusan ku qancin  Sharciyadaas ma soconayaan marka Sh. Xasan waxaa uu adeegsaday  awood tiisa ka badan asago shegaya in uu ku dhaqmayo Dimoqoraadiyad.

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamanka dowlada Kenya waxaa uu sheegay in xildhibaanada codkooda uu yahay mid aan kasoo noqosho lahayn oo xaq ah.

Si kasta ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray Faarax Macalin ayaa kusoo beegmaya xilli xildhibaanada Baarlamanku ay dhowaan Xilka qaadis ku sameeyeen gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan, isla markaana gudoomiye u doorteen Madoobe Nuunow.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: