HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Waxaa maanta magaalada Baladweyne gaaray wafdi uu Hogaaminayay Ra’isal wasaare C/weli Gaas oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo Wasiirka iskaashiga Caalamiga C/laahi Goodax Barre oo iyagu ka soo Jeeda Gobolka Hiiraan.
Waxaa kaloo Wafdiga kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Taliyaha Ciidanka Saraakiil iyo Xildhibaano iyagana ka soo jeeda Gobolada dhexe Maadaama aysan wali magaalada ka jirin wax maamul ah.
Wafdiga ayaa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay Taliyayaasha Ciidanka Ethiopia oo iyaga hada magaalada ka taliya. Wafdiga waxaa uu kulamo la qaaday Odayaasha, Ganacsatada, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta magaalada Baladweyne.
SomaliSwiss Baladweyne
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Baladweyne |
You must be logged in to post a comment.