Midowga Afrika oo dowlada Ethiopia kadalbaday in magaalada Baladweyne ay ku warejiyaan AMISOM.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo garay xarunta EU-da ee magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia  ayaa sheegaya in Shir ay  iskugu yimadeen  Midowga Afrika  lagu go’aamiyay in ciidamada Ethiopia ay kuwareejiyaan deegaannada ay dhowaan ka qabsadeen xoogagga Al-Shabaab ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Shirkan  oo ay iskugu yimaadeen guddiga amniga iyo xasilloonida ee ururka Midowga Afrika oo looga hadlayay sidii ay dalalka Afrika u kordhin lahaayeen tirada ciidamada AMISOM ayaa lagu go’aamiyay in dowlada Ethiopia  ay  ku wareejiso ciidamada AMISOM deeganada ay ciidamadeeda ka qabsadeen Al-Shabaab.

War Qoraal ah oo ka  soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay AMISOM si buuxda ula wareegi doonto deegaannada ay Ethiopia ka saartay Al-Shabaab.

Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna Waljamaca iyo kuwa Ethiopia ayaa dhowaan si wadajir ah uga saray Al-Shabaab magaalada Baladweyne.

Waxaa hada  magaalada Baladweyne ka taagan  Isqabqabsi u dhaxeya kooxo, kuwaas oo mid walba  aaminsan in kooxdooda ay Qabsatay magaalada Baladweyne.

Ciidamada Ethiopia ayaa horay ugu fashilmay gelitaankoodii dalka Soomaaliya, kadib markii ay dagaalo badan oo looga guuleystay lagaleen Soomaalidii markaasi kasoo horjeeday, iyada oo sidoo kale la ogyahay in shababka Soomaaliyeed uusan jecleen in ciidamo Ethiopian ah wadankooda joogaan.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: