Advertisements

Muqdisho: War-Saxaafadeed kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada iyo Safiir loo magacaabay wadanka IRAN.

Halkaan ka akhri

Muqdisho, 05 January 2012 – Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo, magacaabid safiir iyo safarada Wasiirada.

Ugu horreyntii Wasiirada Amniga ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhanka xasilinta caasimadda Muqdisho, ha yeeshee loo baahanyahay in shacabka iyo Dowladdu ay iska kaashadaan arrimaha amniga. Golahu waxey isku raaceen in degmo walbo iyo waaxyadooda ay si wadajir ah uga howlgalaan arrimaha amniga iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

Guddiga Wasiirada Abaaraha ayaa warbixin siiyey golaha ee ku wajahan sida ay u socdaan howlaha gar-gaarka bani’aadanimo, waxeyna sheegeen in qorshihii Dowladda ee dib-u-dejinta barakacayaasha uu bilowday oo illaa iyo hadda dib-u-dejin loo sameeyey in ka badan 1500 qoys. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in barakacayaasha lagu saacido sidii ay guryahooda ugu noqon lahaayeen isla markaana loogu abuuri lahaa mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa golaha soo hordhigay musharax Khalif Kadiye Muse inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Iiran.

Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyey khibradda iyo waayo-aragnimada Khalif oo uu sheegay inuu muddo dheer ku soo dhexjiray diblomaasiyadda, isla markaana soo gudbiyey Taariikh Nololeedka musharaxa. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey isku raaceen in Mudane Khalif Kadiye Muse uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Iiran.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Guddiga Wadajirka ah ee ka kooban Dowladda, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna uu la kulmay 03dii Janaayo si loo dar-dargeliyo howlaha Dastuurka.

Guddigan Wadajirka ah ayaa uu Ra’iisul Wasaarahu horey u magacaabay si ay u dar-dargeliyaan ansixinta Dastuurka oo ay ka mid tahay talo soo jeedinta habka ugu habboon ee loo ansixin karo dastuurka iyo diyaarinta Guddi Soomaali u dhantahay (Constituent Assembly) si ay u ansixiyaan dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirada ugu baaqay in loo baahanyahay in Wasaaradaha ay dar-dargeliyaan u adeegidda shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku booriyey golaha wasiirada inay yareeyaan safarada isla markaana looga baahanyahay inay  dhexgalaan shacabka oo uu dhaco isla xisaabtan dhab ah.

– DHAMAAD –

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: