Advertisements

Munaasabad Lagu Soo Bandhigayey Waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka maamulka Gobolka Banaadir ee sandkii tagay oo ka dhacday magaalada Muqdisho maanta, waxaana Munaasabaddaas ka soo qeybgalay  Madaxweyne Shariif, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ‘Tarsan’ ayaa ka hadlay waxqabadka maamulkiisa ee sanadkii 2011-ka isagoo soo bandhigay horumarro farabadan oo maamulku gaaray kuwaas oo u badanaa adeegyadii bulshada oo intooda badan dib loo soo nooleeyay sida nadaafadda, suuqyo iyo kawaanno cusub oo la furay iyo horumarro kale oo aan la soo koobi Karin.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo munaasabaddaasi ka jeediyay hadallo qiiro badan ayaa maamulka gobolka ugu hambeelyay horumarka iyo waxqabadka uu muujiyay sanadkii tagay wuxuuna ku dhiirigeliyay maamulka gobolka in uu sii kordhiyo waxqabadkiisa isagoo shacabkana ugu baaqay in ay dowlada kala shaqeeyaan Amaanka iyo isdhexgalka bulshada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u ballanqaaday 10,000 Toban Kun oo Doolar degmadii ku guuleysta is dhexgalka Bulshada, isagoo amaan u soo jeediyay dadaalka ay muujiyeen degmooyinka gobolka banaadir waxa uuna rajeeyay in muddo kooban looga budbi doono dhibaatadii muddada dheer dalka ka taagneyd.

Haddaba haddii aan nahay Bahsada Warbaahinta Somaliswiss Waxaan halkaan uga hambalyeeynayna Mudane Maxamuud Tarsan oo ah
qof halkarti ku dheehantahay ka qabtay Caasimada Somaliya Muqdisho iyo wax qabadkii uu ku tallaabsaday,sidaas darteed qofkastoo wax fiican qabta ummada waa in looga
Mahadnaqaa karida uu sameeyay Asagoon loo eegin meesha uu ka soo jeedo balse lagu tixgeliyo.

waxaan taageereyna mar hadii ummada Somaliyeed wax loogu qeebshay 4 beel iyo bar in lagu ekeeysiiyo Golaha Barlamaanka basle qeeybaha howlqabashada
sida golaha Wasiirada iyo gudoomiyayasha gobalada lagu soo xulo ayaa mudan oo shaqada ka soo bixikara ilaa ay soomaali
ka gaareyso doorasho hor ah oo  xisbigii guuleeysta uu talada wata inta dastuurka ka ogalyahay.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: