Advertisements

Mareykanka oo dacwo ku soo rogay Saddex howl-wadeen ka ah Bankiyada Switzerland.

Halkaan ka akhri

Saddex Howl-wadeen ka ahaan jiray bankiyada dalkan Switzerland ayaa dowladda Mareykanka dacwo ka dhan ah ku soo rogtay, dacwadaas oo la xiriirta gacan-siin maalqabeen ka tirsan Mareykanka oo la dhuumanaya Canshuuraha Qarankooda.

Saddexdan Mas’uul ayaa la sheegay inay horey uga shaqeeyn jireen Bankiga UBS-ka, waxaana la sheegay in raggaas ay shaqadooda iska dhaafeen si loo ogaanin, howlaha ay gacanta kula jiraan, sidaas waxaa ku dhawaaqay xeer ilaaliyaha magaalada Manhattan.

Sida lagu soo warramay Eedeysanayaashan ayaa inta u dhaxeysa sanadaha 2005 – il 2010 ay gacan ku siiyeen isla markaasna ay qarinayen 70 ganacsade oo u dhashay Mareykanka, sidii ay ula dhuuman lahayeen canshuuraha dalkooda,

Sidoo kale Eedeysanayaashan ayaa la sheegay in la soo qabqabtay, balse haatan ay ku jiraan xabsi guri inta ay arrintooda maxkamad laga keenayo ama ay dhamaanayso.

Dhanka kale waxaa la caddeeyey in Ganacsatada u dhalatay Mareykanka ay waddankoodu ka lunsadeen lacag dhan  1,2 milyaardi oo dollarka Mareykanka ah, waxaana lacagtaas ay dhigteen Bankiyada wadamo ay ka mid yihiin Swisska, Liechtenstein, Panama iyo Hong Kong.

SomaliSwiss Swissinfo Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: