Advertisements

Laba Shariif iyo Gaas oo xalay ku jawaabay Qoraal xambaarsan, Diidmo, Hanjabaad iyo cabsi gelin.

HOOS KA AQRI GO’AANKOODA

Halkaan ka akhri

Ka dib markii shaley xarunta baarlamaanka ay fadhi ku yeesheen xubno ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ee horrey xilka uga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ay doorteen xildhibaan Madobe Nuunow Maxamed in uu noqdo guddoonka cusub ee baarlamaanka arrintaas waxa markale sharci dari ku tilmaamay madaxda dowlada warsaxaafadeed ka soo baxay oo uu nuqul ka mid la soo gaarsiyay xafiiska warar Radio RBC waxa uu qornaa sidan:

Maxaa ku qornaa Warsaxaafadeedka:


Kulankii caadiga ahaa ee ay isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka  oo looga hadlay xaaladda Nabad gelyo ee dalku ku suganyahay iyo dhacdooyinka siyaasaddeed ee ka oogan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay  kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,Kuxigeenka Ra’isul wasaaraha ahna  Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo umadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn.

Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:

  1. In kulanki shaley iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
  2. In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
  3. Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.

Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.

Si kastaba, macadda sida xubnaha baarlamaanka ee dharaar cad ku doortay xarunta baarlamaanka xildhibaan Xildhibaan Madowe oo horrey wasiirka dastuurka u soo noqday ay u qaadan doonaan qodabadan Gudiga Amniga Qaranka dowlada Fadaraalka uu soo saaray.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: