WARBIXIN DHEER: Sidii ay u dhacday doorashada Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa Maqribnimadii caawa ee xilliga magaalada Muqdisho ah la soo gabagabeeyey doorshadii gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ka socotay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyadoo afhayeenka cusub ee baarlamaankana loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed.

Doorashadan oo galabta ka dhacday xarunta baarlamaanka ayaa waxaa kutartamay 5 musharax kuwaasoo oo uu kaga guuleystay Madoobe Nuunow Maxamed.

Kulanka maanta waxaa fadhiyey 287 mudane oo uusan ku jirin shir gudoonka Axmed Dhimbil Rooble Case. Doorashada ayaa ahayd mid qarsoodi ah oo sanduuq lagu codeynayey, waxaana wareegii koowaad ee doorshada ku tartamayey:

1- Xildhibaan Madoobe Nuunow oo ku hogaaminayey 130 cod
2- Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo heley 63 cod
3- Xildhibaan Xuseen Cumar oo heley 33 cod
4- Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo heley 16 cod
5- Xildhibaan Cali Afgooye oo heley 16 cod

Waqtiga oo habeen noqday darteed iyo doorashada oo dheeraatay ayaa markii dambe waxaa tanaasulay musharaxiintii kale taasoo keentay in si toos ah codadkii ay heleen musharixiinta kale lagu wareejiyo Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.

Markii doorshada ay dhamaatay ka dib ayaa waxaa natiijada codeynta ku dhawaaqay shir gudoonka baarlamaanka oo sheegay in doorshadii afhayeenka baarlamaanka uu ku guuleystay Madoobe Nuunow Maxamed, waxaana intaasi ka dib goobta lagu dhaariyey Madoobe Nuunow Maxamed oo hadal kooban oo uu jeediyey ku ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono midnimada baarlamaanka. Wuxuu sheegay inuu shacabka u shaqeyn doono uuna dhowaan dhisi doono guddiyadii baarlamaanku lahaa.

Markii ay dhamaatay doorashadu ka dib, Gudoomiyaha cusub ayaa waxaa goobta ka gelbiyey ciidamada Amisom oo iyagu suga amaanka masuuliyiinta ugu sareysa DKMG.

Doorashada maanta lagu doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dambeysay xilka qaadis 13-kii bishii Disembar 2011 mudanayaashu ku sameeyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaasi hayey tan iyo May 2010. Sidoo kale xildhibaanada ayaa maanta xilkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii koowaad C/weli Muudey.

Inkastoo doorshadan ay maanta dhacday haddana waxaa la isweydiin karaa wadada ay qaadan doonaan labada Shariif oo saaxiibo mudo dheer ahaa isla markaana diidan xilka qaadista Shariif Xasan lagu sameeyey.

Sidoo kale beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay oo horboodeysay heshiiskii Kampala ayaan cadeyn sida ay uga jawaabi karaan doorashadan maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka Muqdisho.

Dhinaca kale, intii aysan bilaaban, doorashadu ayay Xildhibanno tageersanaa guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan isku dayeen inay carqaladeeyaan doorashada dhici lahayd, hase yeeshee, xildhibaanabada ayaa si wada jir ah uga hortegay, iyadoo loo geystay dhaawacyo lagu gaarsiyay xarunta Baarlamanka, kadib markii uu gacan ka hadal dhexmaray labada dhinac, iyadoo markii ay noqdeen mid dhaawacmay iyo mid cararay ka dib ay xildhibaanadii kale sii wateen howshoodii.

HALKAAN KA FIIRI SAWIRADA SHIRKII BAARLAMAANKA IYO DOORASHADA

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: