Advertisements

Wargeyska *The Independent* oo Shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay duufsanayaan Muslimiinta ku hadasha luqada English-ka

Halkaan ka akhri

Warbixin uu qoray Wargeyska The Independent ee ka soo baxdo magalada London ee casimada wadanka Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay soo ifbaxeen xeelado cusub oo xarakada Al-Shabaab ay ku duufsanyaan dadka Islaamka ah ee ku hadla luqada English-ka oo ah luuqada koowaad ee caalamka looga hadlo.

Wargeyska oo soo xiganeyey qubaro ku taqasusay dhanka arrimaha islaamka ayaa sheegay in wargeysku baryahanba ay aad u soo badanayeen isticmaalka barmaamishyo gaar ah oo Al-Shababka ka dagaalama wadanka Soomaaliya ay ku muujinayaan dagaaladooda ka dhanka ah dowladda KMG ah Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Africa.

Sidoo kale Wargeyka ayaa tilmaamay in maalmihii ugu dambeeyay Al-shababku ay soo bandhigayeen dhalinyaro si waanagsan ugu hadlaysa luqda English-ka gaar ahaan lahjahada ay ku hadlaan dadka British-ka ah ama Mareykanka, kuwaas oo ka hadlaya dareenkooda sida ay u doorteen in ay ku biiraan dagaalada ka socda wadanka Somaliya ee loogu yeeray Jihaadka ayuu sheegay wargeyska the Independent ee ka  soo baxa magalada London.

Hase ahaatee Wargeyska ayaa soo qaadatay sawirka nin dhalinyaro ah oo wajiigiisa ku duubay camaamad islamarkaana gashan dareyka milatariga oo korna u haya qori nooca ak forty sevenka loo yaqaano isagoo ku hadalya luqada English-ka uu ugu baaqayo jihaadka in ay galaan dhamaan muslimiinta caalamka oo dhan si ay uga guuleystaan waxa uu ugu yeeray Afrikaanta kirishtinanka ee ku soo duulay wadanka Somaliya.

Wuxuu kaloo Wargeyska The Independent uu tilmaamay in ay jiraan cajalado muuqaal ah oo lasoo dhigay baraha internetka ee ay  bulshadu ku kulmaan sida: Yutubka iyo Twitter-ka oo baryahanba ay aad u isticmaalayeen xarakada Al-Shabaab.

Warbixintan uu wargeyska ku Falanqeeynaya arintan ay tahay xeelado dhinaca siyaasada ah oo Al-Shabab ay ku duufsaneyso dhalinyarada Muslimiinta ah ee ku hadla luqada English-ka kuwaas oo isagu jira jinsiyado kala duwan oo ay kamidyihiin cadaan madow iyo Somali ku dhalatay wadamada Britain Mareykanka ama la geeyay dalalkaasi iyaga oo aad u da yar kadib xiligii dagaalada ay ka bilowdeen wadanka Somaliya.

SomaliSwiss        London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: