Advertisements

Degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo saakay lagu soo waramay inay ka baxeen ciidamada Al-Shabab.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaraya gobolada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay bilaabeen inay isaga soo baxaan degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, Warku wuxuu intaa ku darayaa in maamulada Al-Shabaab ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ay ugu diyaar garoobayaan dagaallo iyo weeraro ay ku qaadaan jihooyin dhowr ah, Ciidamada Huwanta ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa saakay baneysay Buudada koontaroolka degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan kadib markii ay halkaais ku soo dhawaadeen ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah oo iyana isku diyaarinaya inay usoo ruqaansadaan dhinaca Buulo-barde.

Warar kale ayaa sheegaya in Dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow dagaal ay ka wadaan  ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah,waxaana la sheegayaa in ciidamada xarakada Al-Shabaab uu soo wajahay culeyskii ugu weynaa abid oo ka soo food saara dhinaca gobolka Hiiraan.

Dhanka kalee  Gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan, Bay iyo Bakool, Jubbooyinka, Sh/dhexe, Sh/hoose iyo degaano ku dhow dhow ayaa la sheegayaa in ciidamada Al-Shabaab ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay, isla markaana ay ku wajahayaan weerarada circa, dhulka iyo badda ah ee ka soo food saaray dowladaha deriska la ah Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee tallaabadan ayaa ku soo beegmeyso xilli dhowaan afhayeenka Shabaab uu ka codsaday beelaha Soomaaliyeed inay dagaalka ka qeyb galaan, isla markaana ay ku biiraan jihaadka dalka ka socda, inkasta oo aanay jirin beel ka jawaabtay codsigaAl-Shabaab.

SomaliSwiss        Buulo Barde

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: