Advertisements

Soomaalida Mareykanka oo ka Banaanbaxday xanibaadda la saaray xawaaladaha Somalida.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ahna gobolka ugu Soomaalida badan dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu qabtay dibad bax balaaran oo ay kasoo qay galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida haweenka, dhalinyarada, culimaa’udiinka, iyo odayaasha kunool magaalada Minneapolis iyo magaalooyinka udhaw dhaw.

Dadka bannaan-baxayey ayaa ruxayey booran ka turjumaya sida ay uga xun yihiin Xaawaladaha Soomalida oo gabi ahanaba laga joojieyey gobolkan, waxaaana la’arkayey caruur aad ud’a ayar iyo haween sita boorar ay kumujinayaan shucuurtooda ku aadan in lajoojiyo lacagaha loodiryo Somalia iyo caalamkaba, waxayna kudhawaaqayeen erayo kadhan ah Franklin Bank oo ah bangiga kaliya oo ay isticmaali jireen kas oo horaantii bishaan kudhawaaqay inuu joojin doono qabashada lacagaha xawaaladaha Somalida, sidoo kale wuxuu sheegay bangigaasi 3 bari kahor inuusan ogolaandoonin lacago dambe oo uu uqabto Soomalida iyadoo maanta ay ahyed maalinkii ugu dambeysay ee  bankigani uqabtay Somaalida,

Banaan-baxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey gudoomiyeyaasha Xawaaladaha Somalida, Imaamyada masaajida iyo Somali community oo kuligood ah reer Minneaposlis, iyagoo sababta Banaan baxaan ay u soo abaabuleen ku shegay inay xaq u leeyihiin in ay dadkooda taakuleeyaan ayna biilaan aysana aqbali karin in dadkoodii iyo waalidiintoodii oo dhibaato ladiristy muddo aad udheer in maanta layiraah lacag dambe oo ladiraayo malahan,

Goobtii lagu bannaan-baxayey ayaa waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyey mas’uuliyiinta Soomaalida, hase ahaatee waxaa dadkii halkaasi isugu yimid aad ay madaxa ugu ruxeen sacab iyo sawaxana ay ku tageereen , ugu horayn waxaa makarafoonka qaatay siyaasiga firfircoon ee sida wayn looga yaqaano gobolka Minnesota Saadik Warfaa oo asagu sheegay inuusan kadaali doonin hawshani uuna u fuuli doono geed dheer iyo mid gaaban sidii arintani loo ogolaan lahaa,”Waxaan nahey maraykan xaq waxaan uleenahey inaan la mid noqono dadka ku nool wadankan waxaan dirsan karnaa lacag waliba oo sharci sax ah martay”ayuu yiri Mr Saadik Warfaa.

Waxaa kaloo halkaasi hadal ka soo jeediyey Keith Ellison oo ah ninka laga soo doorto baarlmanka magalada Minneapolis, wuxuu sheegay inay Somalidu ay yihiin dad aad udhex muuqada bulshada kunool gobolkaan gacana uu kagysan doono sidii loo xalin lahaa mushkiladan, Waxaa kaloo kahadley asna Imaamka masjidka Abubaru Sidiiq ee Magalada Minneapolis Sheikh Abdirahman Sheikh Omar oo kudheradey, “Waan sii wadaynaa banaan baxa ilaa naloo ogolaado ilaa aan lamid noqono umadaha kale waxaana usheegayaa daka halkaan jooga manta in jimcaha soo socda uu dhici doono banaan bax kale,”ayuu yiri Sheikh Abdirahman Sheikh Omar oo ah Iimaamka Masjidka Abubakaru Sidiiq maglada Minneapolis,

Si kasta ha ahaatee goobta uu ka dhacayey Banaan baxa oo aheyd mid saxmadeedu aad u kacsantahey ayaa dhanka kale waa dhacayey qabow aad uxun oo uusan ruuxa binu aadamka ahi awoodin in uu taagnaado daqiiqado, hase ahaatee dadkani way ka g’oneed inay dhamaystaan arintii ay halkaasi uyimadeeen,waxana dhanka kale  amaanka sugayey ciidamo gooni loogu xilsaaray iyo Boliiska magaalada Minneapolis qaar kamid ah, kuwaasi oo gaaf wareegayey guud ahaan goobta uu kasocday dibad baxu,

Si kastaba ha ahaatee banaan baxa ayaa kusoo gabagabooby sidii loogu talo galay iyadoo maantana aysan jirin wax xawaalad Somaliyeed ah oo kashaqaynysa gobolkaan, hase ahaatee larki doonee wixii ay ku dhamadaaan shirarka iyo xiriirada wali kudhiman oo ay leeyihiin Somalida iyo madaxda sar sare ee gobolkani, ayadoo arintani hadii ay sidani kudhamato ay horseedi karto dhibato hor leh oo lasoo gudboonaatay Somali badan oo awalba dhib la-daala dhacayey kuna tiirsanaa Qurba joogta ay ehel wadaag yihiin oo ay ka heli jireen nolol maalmeedkooda.

SomaliSwiss   Minnesota

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: