Advertisements

SANAD CUSUB OO LEH CAAFIMAAD & DHACDOOYIN KALA DUWAN “2012!!!”.

Halkaan ka akhri

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Bahda Shabakada SomaliSwiss iyo Radio SomaliSwiss, waxaan jecelahay in aan Hambalyo u soo gudbiyo Akhristayaasha Shabakada SomaliSwiss iyo Dhageystayaasha Raadiyahaba, sidoo kale waxaan u rajeynayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed in Sanadka Cusub ee 2012-ka ay ku dhamaystaan Caafimaad-qab iyo inay la kulmaan dhacdooyin kheyr badan oo wanaagsan.

Waxaan idinka mahad Celinayaa sida aad ugu soo daawasho tagteen ama usoo booqateen Sanadkii tegay ee 20011-ka Warbaahinta SomaliSwiss, akhristayaasheena sharafta leh waxaan hubaa in aad ka hesheen ama ka faa’iideysateen waxyaaba badan oo idin qanciya iyo kuwo aan idin qancininba, balse waa idinka raali gelinaynaa khaladwalboo dhaca (hadii uu jiro), ha yeeshee waxaa dhici karta in ay naga dhaceen khaladaad, (dhanka kale Soomaali waxey tiraahdaa haddii aan wax la qaldin wax masaxmaan) !!!.

Si kasta wax u dhaceenee waxaan rajeynaynaa in aan sii wadno Howsha aan u hayno guud ahaan Umaddeena Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadankan Switzerland.

Waxaa kaloo aan idinka codsaneynaa hadii aad aragtaan wax khaladaad ah amaba gaf ah in aad naga raalli ahaataan, isla markaasna nala soo socod-siisaan, si aan u saxno, inagoo marwalbana soo dhoweyneyna fikradihiina qaaliga ah, waana sixi doonaa wixii naga khaldama *Inshaa Allaah* MAHADSANIDIIN.

WAXAAD NOOGU SOO DIRI KARTAAN WIXII FIKRAD IYO ARAGTI AH EMAIL-KA HOOS KU QORAN

Sanad Wacan oo Wanaagsan

Bahda Warbaahinta SomaliSwiss ee Switzerland

Webmaster: Yuusuf Garabey

Tifaftire Sare: Dr.Axmed dhicisow

Qore Sare: Mohamed Saadaq

Agaasimaha Idaacadda: Mustaf Gobdon

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: