Advertisements

Wasiiradda cadaaladda & Boliiska dalka Switzerland oo sheegtay in ay doonayso inay qorsho deg-deg ah u sameyso Qaxootiga Cusub.

Halkaan ka akhri

Qorsho cusub oo deg-degsiimo ah ayaa loo sameeynayaa dad tiradoodu lagu qiyaasay 30.000 ilaa 50.000-kun oo qaxooti cusub ah, si loo xalliyo xaaladda is-dulfuulka ah iyo ciriiriga ka jira Xerooyinka Diiwaan-gelinta, sidaa waxaa caddeysay Wasiiradda  cadaaladda & Boliiska Frau Simonetta Sommaruga.

Tirada kor lagu sheegay ma ahan mid sidaas u buuran, balse waa wax la xallin kara sidaas waxaa lagu soo qoray Wargeyska “Berner Zeitung” oo ka soo baxa magaalda Berna.

Wargeysku wuxuu intaa uu raaciyey in dhibaatadan la xallin karo waqti gaaban, waxaana maamulka arrintaas loo xil-saaray kantoonada iyo degmooyinka dalka uu ka kooban yahay, waxaana la sheegay in qaxootiga cusub la dejin doono meelo ku haboon noloshooda, inkastoo ay dowladda Konfederaalku u dhaqaaqin xallinta ku baxaya dhaqaalaha wax looga qabanay dadka ku soo qulqulaya Swisska.

Si kasta ha ahaatee arrinta deg-degga ah ayaa waxaa haatan gacanta ku hayo Maamulada Kantoonadda.

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: