Advertisements

Munaasabad Aroos ah oo si aad ah loo soo agaasimey oo maalintii Jimcaha ahayd ka dhacdey magaalada Zürich ee dalka Switzerland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Munaasab Aroos ah oo si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ay maalintii Jimcaha ahay ka dhacdey magaalada Zürich ee dalka Switzerland, wuxuuna socday ilaa saqdii dhexe ee habeennimadii xalay.

Galabnimadii Jimcaha ayaa waxaa si sharaf leh u dhacay Maharka Arooska iyo Aroosada, Dr. Warsame Mahamed Hersi iyo Fartuun Abdinuur Xadey, balse kahor waxaa dadka kulanka Xafladda munaasadda Arooskaas dersi diini ah oo ka hadlayey Guurka ka soo jeediyey Culimada kala ah Sheikh Cabdikariin iyo Sheikh Yaxye.

Xafladan Arooska dadkii ka soo qayb galay ayaa aad ula dhacay nidaamka iyo qaabka Xaflada meherka loo soo agaasimay.

Sidoo kale dadka kasoo qeyb-galey oo isugu jiray Rag iyo Haween ayaa waxay tiradooda kor u dhaafeysay kumanaan qof, kuwaas oo ka kala yimid gudaha dalkan Switzerland, wadamo ka tirsan Yurub, Kanada ilaa iyo America.

Waxaa kaloo Munaasabada Arooska kasoo qeyb-galay Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Al-fannaan Jooqle Shire Jaamac oo ka tirsan kooxda Qayla-dhaan ee ka dhisan dalka Britain, gaar ahaa magaalda London iyo fanaaniin kale oo ka tirsan kooxaha ka jira dalka Swiss-ka, kuwaas oo dadkii ka soo qayb galay Arooska ku madadaaliyey Heeso Macaan.

Munaasabada Arooska ayaa waxaa si sharaf leh u maamulayey shaqaalaha Saleem Retaurant oo si gaar ah looga carbiyey ama loo siiyey tababarka habka sooridda iyo soo dhaweynta Macaamiisha.

Dhanka kale waxaa soo dhaweynta Haweenkii ka soo qayb qaatay xaflada si sharaf ay ku dheehantahay usoo dhaweynayey Gabdho si fiican loogu soo xirdheeyay dharka Hiddaha iyo dhaqanka, isla markaasna lagu soo sharaxay Calanka Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii waxaa uu kulankii Munaasabadda Arooska ku dhamaaday si Farxad iyo Reyn-Reyn ay ku dheehan tahay.

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: