Madaxweyne C/qaadir Aadan Jiraabey “waxaan qeyb kanahay ciidanka Baladweyne ka xureyay Al-Shabab.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan iyo Midland oo sheegay in ay farxad tahay farxad usoo hoyatay shacabka reer Hiiraan, maadaama laga xureeyay kooxihii Al-Shabaab ee magaalada Baladweyne kusugnaa.

Madaxweyne C/qaadir Aadan Jiraabey ayaa sheegay in ay qeyb kayihiin ciidamadii dowladda ee maanta kaxureeyay kooxda Al-Shabaab magaalada Baladweyne, isla markaana ay hada udiyaar garoobayaan in ay tagaan gudaha gobolka Hiiraan, kuna shaqeyn doonaan nabad kusoo dabaalida Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha DGH&M oo aanu xiriir dhinaha taleefoonka ah lasameynay ayaa inoo xaqiijiyay in kooxdii Al-Shabaab ee katalineysay magaalada Baladweyne, ayna qeyb ka yihiin xoogaga taageersan dowladda KMG Soomaaliya ee halkaasi kasaaray.

“Waan tageynaa goordhow gobolka Hiiraan, waana aan kushaqeyneynaa, hadana ciidamadeena waa ay joogaan, qeyb ayeyna ka yihiin ciidamadii maanta Al-Shabaab kasaaray magaalada Baladweyne” sidaa waxaa yiri Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Midland C/qaadir Aadan Jiraabey.

Sidoo kale waxaa uu hambalyada sanadka cusub ee 2012-ka u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan iyo Midland, waxaa uuna kula taliyay in ay gacmaha is qabsadaan, isla markaana ilaashadaan amaankooda dhulkoodana ka difaacdaan kooxda Al-Shabaab.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: