HOOS KA DHAGEYSO HADALKA
Halkaan ka akhri
Kooxda Al-Shabaab ayaa marki ugu horeysay ka hadashay dagaalkii ay la galeen ciidamada taabacsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia.
“Xeelad dagaal ayaan uga soo baxnay magaalada Baladweyne, isla markaana waxaan ka gubnay gaadiid dagaal ciidamada gumeysiga Ethiopia” sida uu sheegay Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka Howlgalada Al-Shabaab
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-Shabaab Sheikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay xeelad dagaal awgeed uga soo baxeen degmad Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Abuu Muscab ay sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya ilaa 3500-askari soo weerareen magaalada  Baladweyne ee gobolka Hiiraan, isagoo intaasi ku daray inay ciidamadaasi ka hortageen isla markaana dhibaato u gaysteen.
Dhanka kale Afhayeenku ma sheegin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay degmada Baladweyne.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa iminka gacanta ku haya ciidamada taabacsan dowladda iyo kuwa dowladda Ethiopia.
SomaliSwiss Baladweyne
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Baladweyne |
You must be logged in to post a comment.