Advertisements

Ciidamada taabacsan dowladda iyo kuwa Ethiopian ah oo goor dhow la wareegay gacan ku haynta magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Halkaan ka akhri

Dagaal kulul oo u dhaxeeya ciidammada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamo itoobiyaan ah iyo malleeshiyadka Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda waxaa uu si kulul uga soconayaa Afaafka hore ee magaaladda Baladweeyne ee gobolka Hiiraan.

Sida aannu wararka ku helayno dagaalkan ayaa saaka waaberigii bilaawday, ilaa haatanna  ka soconaya sedex jaho oo ku aadan gudaha magaaladda Baladweyne, waxaa ciidamadda dowladda ee  dagalka soo qaaday ayaa lagu soo waraamayaa inay  ka soo ruunqaansadeen Saakay meel 16 km u jirta magaaladda Baladweyne ka socda ee gobolka Hiiraan.

Kooxdda al shabaab ee modooyinkaan haystay gobolkaasi ayaa meelo badan looga saaray dagaal, iyadoo ay haatan madaafiicdda iyo rasaasta si darandoori ah uga dhaceyso magaalada baladweyne afarteeda gees

Dhanka kale dadka ku nool degmadda baladweeyne ee gobolkaasi ayaa bilaabeen inay ka baxsadaan rasaasta si aysan uga waxyeeleynin.

Sidoo kale Dagaalkan oo ahaa mid qorsheysan dad goob joogayaal ku sugan deegaanadda jaarka la ah degmadda Baladweyne ay ku soo waramayaan in ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaaya kuwa itoobiya ay ka soo qaadeen Saddex jiho oo ay koxdda Shabaabku aysan marnaba  ka fileenin in  ciidammadu ay uga imaan doonaan.

 waxaa lagu soo waramayaa in Dagaalka uu ku sii fidayo aagaga ku dhow gudaha magaalada Baladweyne, dhinaca kale saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya ee dagaalkaasi hoggaamineysa ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay howlgalka ay muddooyinkaan dambe halkaasi ka wadeen uuna yahay mid qorsheysan.

SomaliSwiss   Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: