Halkaan ka akhri
Aabe 34 jir ah oo u dhashay wadanka Bortaqiiska ayaa shalay waqti danbe ku toogtay Tuulada Bulle, kanton Friburg  laba caruur uu dhalay mid wuu dilay, mid kalena wuu uu dhaawacay, kadibna uu is-dilay, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Boliiska Kanton Friburg.
Hooyadii dhashay Caruurtaas ayaa la sheegay inay jirta 23tan Sano, ayaa Boliiska wargelisay markii ay dhacday dhacdadaas, balse markay yimaadeen gurigaas loo sheegay in gabadha weyn ee lix jir ahayd si xuna loo dhaawacay loona cararay Isbitaalka, midda yereyd ee jirtay laba bil ay dhimatay, kadibna ninkii caruurta rasaaseeyey uu cararay isagoo wato bistoolad, waxaana Hooyada Caruurtaas ay Boliisku u caddeeyeen inay daba-gelayaan gacan ku dhiiglaha, hase ahaatee ugu danbeyntii Boliiska waxay heleen meydkii gacan ku dhiiglaha oo yaala meel hood ah.
Warkii ugu danbeeyey oo manta laga soo saaray yaa sheegay in Gabadhii labada Bilood jirtay ee dhaawaca ahayd ay galabnimadii maanta geeriyootay, sidaas waxaa xalay  warbaahinta u sheegay Donatella Del Vecchio oo ah Afhayeenka Boliiska Kanton friburg, waxaa lagu qoray Wargeyska “Le Matin”
SomaliSwiss  Zürich
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.