Midowga Afrika oo taageray xildhibaanadii xilka ka qaday gudoomiyihii hore Shariif Xasan.

Halkaan ka akhri

Mudane ka tirsan Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Ururka Midowga Afrika ay ka heleen warqad aqoonsi ah oo ay ku taageerayaan xilka qaadistii Shariif Xasan.

Prof. Maxamed Xuseen Ilka-dahab oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka ayaa sheegay in ay heleen warqad qaas ah oo kasocotay Midowga Afrika oo lagu taageeray go’aankii Xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan.

Xildhibaan Ilka-dahab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in warqadaasi lagu taageeray ay dhamaan u qeybiyeen xafiisyada Madaxweynaha, Police-ka Qaranka, iyo waliba Ciidamada AMISOM ee Muqdisho kusugan sida uu yiri.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in qoraalkii ay ka heleen AU-da uu ku qornaa in aysan jirin cid soo fara galin karta fadhiyada ay yeelanayaan xildhibaanada Baarlamanka.

Waxaana muuqata in si heer caalami ah loo taageeray talaabadii ay qaadeen Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ahayd xilka qaadistii ay ku sameeyeen gudoonkii baarlamaanka ee Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Dhowaan ayay ahayd markii mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa 280 xildhibaan ay xilkii ka xayuubiyeen gudoomiyihii hore Shariif Xasan Sh. Aadan.

Majiraan wax warar ah oo ka soo baxay madaxda dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan warqadan baarlamaanku ay sheegeen inay ka heleen AU-da.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: