Advertisements

Koobkii ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysatay kooxda degmada Dharkeynley iyo Yaaqshiid oo kaalinta labaad gashay.

Halkaan ka akhri

Kadib ciyaar final ah oo ay kasoo qeyb galeen kumanaan taageerayaal ah oo galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Stadiom Koonis ayaa waxaa ciyaartooyda degmada Dharkeynleey ay ciyaar kama dambeys ah oo  ka tirsaneyd ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ay isaga  horyimaadeen kooxda degmada Yaaqshiid.

Waxaana ciyaartaas oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta ugu sareysa dalka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh  Axmed, Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir, xiriirka  Soomaaliyed ee kubadda cagta, guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee  (GOOS), iyo qeybaha shacabka ku dhaqan magaalda Muqdisho.

Taageeryaasha ayaa gaaray heerkii ugu badnaa iyadoona lagu qiyaasay  taageeryaashii galabta ciyaartasi usoo daawsho tagay inkadan 3000 oo  taageere kuwasoo ka kala socday degmooyinka hargdamayay.

Qeybtii hoe ee ciyaarta ayaa waxaa dagmada Dharkeynleey usuura gashay  iney helaan gool kuwasoo ciyaarta ku hogaaminayay gool iyo waxba, waxaana usuura gashay in ciyaarta ay ku idlaato 1-0, oo ay guushu ku  raacday kooxda degmada Dharkeynleey.

Kadib markii ciyaarta soo gaba gaboowday ayaa waxaa bilowday munaasbad  si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka  gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta taasoo lagu bixinayay abaalmarino kala duwan oo uu ku jiray koobkii  tartanka ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa bixiyay  billado iyo koobka kaalinta koobaad iyo labaad ee tartanka, isagoona  mid mid ugacan qaaday ciyaartoodii labada dagmo ee Dharkeynleey iyo
Yaaqshiid.

Waxaana koobkii ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir galabta la carraabay xulka xidigaha degmada Dharkeynleey, iyadoona kumanaan  taageerya yaal ah ay soo buuxdhaaf sheen gudaha garoonka kubadda cagta
ee Stadiom Koonis.

Tartankan oo noqday mid xiiso badan islamarkaana soo jiitay taageeryaal fara badan oo ku sugan Muqdisho iyo daafaha caalamka ayaa waxaa furay 18-ki December madaxweynaha dalka mudane Shariif Sheekh  Axmed, waxaana soo qaban qaabiyay qabsoomidda tartankan maamulka  gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: