Xoogag taabacsan Al-Shabaab oo wadada u galay Ciidamada Kenya oo marayay deeganka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.

Halkaan ka akhri

Ciidamoo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa waxaa ay wadada u galleen gawaari ay wateen ciidamadda dowladda Kenya, kaasoo uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Kolonyo ay wateen ciidamadda dowladda Kenya oo mareysay inta u dhaxeysa Taabto iyo Dhoobley, ayaa waxaa wadada u gallay dagaal-yahano taabacsan kooxda Al-Shabaab, waxayna u geysteen khasaarooyin kala duwan.

Mid kamid ah kolonyadii ay wateen ciidamadda dowladda Kenya, ayaa waxaa lala beegsaday qarax aad u xoogan, isla markaana waxaa la isweydaarday rasaas iyo madaafiic, ciidamadii taabacsanaa Al-Shabaab ayaa Sabanada garaka laga tuuro ku asqeeyay kolonyadii ay wateen ciidamadda Kenya.

Ciidamadda dowladda Kenya inkastoo ay muujiyeen iska caabin xoogan, ayaa waxaa hadana weeraradaasi ka soo gaaray khasaarooyin kala duwan, waxaa ayna dalbadeen gurmad deg deg ah.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa goobtaasi isaga tagay, lamana xaqiijin goobta rasmiga ah ee ay aadeen, balse marki ay fulliyeen, Howlgalka  ayaa  waxaa ay  dareemeen in gurmad ay soo gaareen Ciidamadda Kenya, waxaayna iskaga tageen  goobtii uu dagaalku ka dhacay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaan weli ka kala hadlin arintaan, laakiin Idaacada Andulus iyo Dadka Deegaanka Taabto, ayaa waxay qireen in khasaarooyin kala duwan la-gaarsiiyay Ciidamadda Dowladda Kenya.

Sawiro muujinaya Muuqaallada Qooqaani, Taabta iyo Dhoobley oo ciidamada dowladda ay qabsadeen.

SomaliSwiss Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: