Magacyada iyo Dukumiintiyo Shirkadaha Shidaal ee heshiisyada qarsoodiga ah kula jira madaxweyne Faroole, ee qaarkood Puntland joogo..

HOOS Fiiri Secret Oil Files

Halkaan ka akhri

Akhriste-yaasha sharafta leh ee SomaliSwiss waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa, qeybo ka mid ah, heshiisyo qarsoodiya oo uu madaxweynaha maamul goboleedka Puntlanad C/raxmaan Faroole la saxiixday shirkado Shidaal baaris. Dukumiintiskaan oo ku wada qoran afka Ingiriiska, haddii aad faah faahintooda guud, u baahan tahay sheekadaan sii akhri, haddii aad daahsan tahay toos u abaar.

QEYBTA HOOSE EE BOGGA SAWIRADA SHIRKADAHA KA MUUQDA, RIIX SHIRKAD KASTA SAWIRKEEDA, WAXAA KUU FURMI DOONA FEYLASHA SHIRKADAAS AAN KA HAYNO, AMA QORAALLO SHIRKADUHU IS DHAAFSADEEN OO CADEYNAYA, MID KASTA IYO SHAQADA AY QABATO IYO WAXA HESHIISKA LAGULA GALAY, IYO WAXYAABO KALE OO FARA BADAN, WAAN HUBAA INAAD KA DHERGI DOONTAAN, HADDII AAD WADA AQRISAAN.

Shirkadahaan heshiisyada loo saxiixay oo hadda 4 ka mid ah ay howl shidaal sahmin, qodis iyo arrimo kaleba ka wadaan gobollada Puntland ayaa iygaguna heshiis hoosaadyo kale ama qandaraas bixin la sameeyay shirkado kale, waxayna xilligaan shirkadaha ruqsaddaha haystaahi ka badan yihiin 10 shirkadood, iyadoo ay sidoo kale jiraan shirkado kale oo hadda wada hadal u socdo maamulka Puntland, kuwaas oo quud dareynaya inay barnaamishyo xowli uga socda Puntland, ku lug yeeshaan.

Shirkadahaan oo heshiisyadooda iyo howlaha kala duwan ee ruqsadaha lo siiyay ayay wada shaqeyntooda Puntland iyo isku xirka iyaga iyo howlahooda shaqo, waxaa wakiil ka ah, 3 qofood oo laba ka mid ah ay yihiin, wiilal uu dhalay Madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Arrinta ugu daran ee shirkadahaan ay sida qarsoodiga ah u wada heshiiyeen ayaa ah, inay ku shaqeynayaan documentiyo qaarkood been yahay, qaar kale uusan shaqeynayn oo la kansalay iyo kuwa uu samaystay maamulka C/raxmaan Faroole.

Tusaale ahaan, sharciyadda ay Puntland u leedahay inay heshiis shidaal baaris la geli karto shirkado ajnabiya ayuu maamulka Faroole isticmaalayaa, Dukumintiyo kuwa ugu miisaanka  badan ay yihiin warqado ay saxiixeen, Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamad Geedi, warqaddaasi oo loo saxiixay maamulka Puntland sanadkii 2005, waxay ahayd sharci, hase yeeshee waxaa ka dambeysay warqad kale oo lagu joojiyay heshiiskaasi.

Sidoo kale, waxaa dukumintiyada Faroole ku cadeeyo in Puntland sharciyad u haysato inay goboladeeda shidaal ka baari karto uu u adeegsadaa warqad kale oo uu saxiixay madaxweyne, C/llaahi Yuusuf, shakiga ugu weyn ee warqaddaas waa in xilliga la saxiixay uu madaxweyne Yuusuf ku sugnaa dalka Ingiriiska, inkastoo uu kula sugnaa madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse, laakiin lama sheegin lamana maqal meel uu warqaddaas ku saxiixay madaxweyne C/llaahi Yuusuf, mana cadda run iyo been waxa ay tahay.

Sidoo kale Faroole ayaa adeegsada xeer u gaar ah Punbtland oo kuseeya kheyraadka dabiiciga ah, kaas oo gebi ahaan ka hor imaanaya xeerka kheyraadka dabiiciga ah ee dalka soomaaliya, wuxuuna xeerkaasi Faroole qeexayaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland ay wada shaqeynayaan haddii dhowladda dhexe aqoonsantahay xeerkaasi.

Sidoo kale xeerkaasi wuxuu sheegayaa, in haddii dowladda dhexe aysan ogolaan xeerkaas ay Puntland awood buuxda u leedahay inay ka soo horjeesato go’aanka xukuumadda dhexe.

Daraasado iyo cilmi baarisyo ay uga hadleen, shirkadaha heshiiska la galay Faroole ayay heshiiskaasi ku macneeyen, mid iyagu ay ku faraxsan yihiin oo muujinaya in haddii loo baahdo ay puntland tahay dowlad ka madax banaaan soomaaliya oo aan caalamku aqoonsan.

Si kastaba ha noqoto, marki laqiimeeyo xaaladda guud ee madaxweynaha Faroole iyo shirkadahaas tirada badan ee heshiisyada loo saxiixay iyo sharciyada ay isticmaalayaan iyo fikradaha ay aaminsan yihiin oo ay sii dheertahay in Faroole iyo iyaga cidda kaliya ee u dhexeysa ay tahay wiilal uu dhalay, waxay wax badan ka halaynaysaa, kheyraadka, Puntland ee Soomaaliya, waxayna mustaqbalka abuureysaa dhibaato badan.

Qeybo kale oo video ah oo isla barnaamishyada shirkadahaas iyo shaqada ay ka hayaan Puntland iyo meelaha ay joogaan ah ayaan waqtiyada soo socda idiin soo gudbin doonnaa.

Waxaad daawan doontaan, guud ahaan meelaha ay shaqada ka hayaan, dadka ay la kulmaan iyo khudbado ay jeedinayaan, iyo qiyaasta iyo qorshahooda mustaqbalka, qalabka ay geysteen iyo waxyaabo kale oo aad u fara badan ayaad dhowaan daawan doontaan hadduu alle ogolaado.

HALKAAN HOOSE SAWIRADA SHIRKADAHA KA MUUQDA, MID KASTA riix sawirkeeda, WAXAA KUU FURMI DOONA feylasha shirkaddaas, QORAALLO SHIRKADUHU IS DHAAFSADEEN OO CADEYNAYA, MID KASTA IYO SHAQADA AY QABATO IYO WAXA AY QABAN DOONTO IYO WAXA LAGULA HESHIYAY IYO WAXYAABO KALE OO BADAN.

SIDOO KALE BARNAAMISHYO KALE OO KU SAABSAN MADAXWEYNE FAROOLE IYO QORSHIHIISA SIYAASADEED EE MUSTAQBALKA IYO ARRIMO KALE OO SIYAASADDA SOOMAALIYA QUSEEYA, KUWAAS OO U BADAN MAQAL IYO QORAAL, GOOR DHOW AYAAD ISLA HALKAAN KA HELI DOONTAA.

HALKAN HOOSE RIIX SAWIR KASTA, WAXAA KU JIRA DOKUMIINTIYO CADEYNAYA HESHIISYADA IYO SHAQADA  KALA DHEXEYSA MAAMULKA FAROOLE.

11 FILES 09 FILES
08 FILES
08 FILES
02 FILES 05 FILES

HALKAAN KA DAAWO VIDEO – FAROOLE MEESHA UU DHIGAY PUNTLAND.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO – Shirkadda Range Resources oo madaxtooyada Puntland Lacag kula wareejinaysa Madaxweyne yaashii hore ee Somaliya & Puntland.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: