Laba Shaqaale katirsan hay’adda MSF oo lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Shaqaale Samafalayaal ah oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Belgium ayaa midna ladilay midna dhaawac loogu geysay magaalada Muqdisho, iyadoo dilka iyo dhaawacaasna uu geystay nin hay’adda u shaqeynayay oo Soomaali ah.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Phillip ayaa u dhashay dalka Faransiiska, wuxuuna ahaa madaxa mashaariicda Hay’adda MSF-Belgium ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Nin kale ee la dhaawacay oo isna magaciisa uu nagu soo gaaray Dr. Kayse ayaa wuxuu u dhashay dalka Indonesia, wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirta Hay’adda.

Ninka dhintay ee u dhashay Faransiiska ayaa waxaa uu geeriyootay kaddib markii uu seddex xabadood ku dhuftay ninkii toogtay, halka ninka Indonesian-ka ah ee dhaawacmay uu dhaawaciisa culus yahay, isla markaana xabadda oo kaga dhacday lugta, gaar ahaan bowdada ay sababtay in uu go’o xididka halbowlaha. Dhaawaca Dr. Kayse ayaa hadda lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina.

Ninka dilka iyo dhaawaca geystay ee Soomaaliga ah oo aaney inoo suurtagelin in aan magaciisa helno ayaa wararka aynu ka helnay dhacdadan waxay sheegayaan in uu ahaa ku xigeenka madaxa logistic-kada ee Hay’adda MSF-Belgium, waxaaney warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay ninkani uu go’aankan qaatay kaddib markii shalay laga ceyriyay shaqada hay’adda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ninkani markii uu dilka iyo dhaawaca geystay uu sidoo kale nolosha ku qabsaday shaqaale kale oo ajnabi ah oo hay’adda u shaqeynayay, hayeeshee ay ka soo furteen ciidamada Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray, kuwaasi oo gacanta ku dhigay ninkii dhibka geystay.

Dalka Soomaaliya oo muddo dheer fowdo iyo kala dambeyn la’aan ku jira ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa shaqaalaha samafalka ee la socda hay’adaha gargaarka, haddii ay ahaan lahaayeen Soomaali iyo Ajnabi intaba.

Taliyaha qeybta dembi-baarista Dowladda Soomaaliya G/lle sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ninkii falkan ka dambeeyay uu xiran yahay, kiiskiisana gacanta lagu hayo, wuxuuna falkan ku tilmaamay mid laga xumaado.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: