Kooxda Al-Shabaab oo Xabsiga dhigtay qaar ka mid ah odayaasha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Xaaladda degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa aad u kacsan kaddib markii ciidamada ururka Al-Shabaab ay xirxireen odayaal dhaqameed ka mid ah dadka degaanka isla markaana xabsiga u taxaabeen, iyadoo dadka degmadaasi ay sheegeen in xaaladda amni ee degmada ay iminka soo food saartay qalqal iyo cabsi la xariirta waxyeelada ciidamada Shabaabka ka taliya degamadaasi.

Mid ka mid ah dadka degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ururka Al-Shabaab ay xirxireen odayaal dhaqameedyo tiradoodu ka badan tahay ilaa Lix oday, kuwaasi oo uu sheegay inay ku sii jeedeen degaan lagu magacaabo Ceel-gaduud oo ka tirsan tirsan tuulooyinka hoos yimaada degmada Baardheere.

“Falalka ciidamada ururka Al-Shabaab ay ku hayaan dadka gobolka Gedo ma aha kuwo loo dulqaadan karo, iyagoo xilliyada qaarkood wadada soo dhigaya qof qoorta laga jaray” ayuu yiri ninkaan odayga ah oo diiday magaciisa in saxaafadda baahiso sababo nabadgelyo awgood.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maamulka ururka Al-Shabaab ee degmada Baardheere uu xabsiga dhigay odayaashaasi, isla markaana sheegay inuu uga shakisan yahay odayaashu inay arrimo siyaaso ku lug yeesheen, inkasta oo dadka degmada ay aad ula yaabeen markii odayaasha la qabqabtay kaddibna loo dhaadhiciyay xabsiga, iyagoona caddeeyay in odayaashaasi aanay wax siyaasad ah ku shaqo lahayn.

SomaliSwiss Gedo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: