HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Ra’isal wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah saaka aroortii kaga soo ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wafdi ka koobnaa dowlada KMG Soomaaliya & Maamul goboleedka Puntland oo maalinkii shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa maanta booqday goobo muhiim ah oo ku yaal magaalada Boosaaso, goobahaas oo ay ka mid yihiin Dekeda Caalamiga ah ee boosaaso, Suuqii weynaa ee dhowaan ku basbeelay guddaha magaalada boosaaso,  Isbitaalaka weyn ee magaalada  iyo Saldhiga tababarka  ciidamada badda Puntland.
Wefdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo isaguna ku wehlinayay safarka Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.
R/wasaaraha wafdigiisa waxaa ka mid ahaa Ra’isal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, xildhibaano uu ka mid ahaa Prof. C/risaaq Jurrile, Marwada R/wasaaraha Hodan Ciise iyo wasiiro ka tirsan Puntlandmaanka magaalada boosaaso ayaa laga dareemayaa in si xoogan gacanta loogu dhigay , iyadoo goobaha ay booqayanaan masuuliyiinta Puntland & Federaalka aad loo adkeeyey lana dhigay ciidamo xoogan. Masuuliyiinta Puntland & Federaalka ayaa ku wareegay Dekeda iyo Suuqii gubtay, iyagoo warbixino wanaagsan ka dhegaystay masuuliyiintii ay goobahaas ugu tageen.
Masuuliyiintu waxay warbixin ka dhegaysteen qaar ka mid ah ganacsatii suuqa hantidooda ku waayey, kuwaas aad uga hadlay dhibaatada ka soo gaartay gubahashada Suuqa weyn ee magaalada boosaaso.
Masuuliyiintu waxay kaloo howlo shaqo ku soo mareen saldhiga tababarka ciidamada badda & Isbitaalka guud ee magaalada boosaaso, iyagoo ka dhegaystay warbixino ku aadan saldhiga ciidamada badda iyo Isbitaalka guud ee magaalada boosaaso.
Ra’isal wasaaraha ayaa salaamay odayaashii, waxgaradkii, maamulka degmada iyo saraakiishii ciidanka ee halkaasi ku soo dhoweeyey waxaana loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Bosaaso halkaasoo caawa uu ku hoyanayo.
Waxaa kale la dhowrayaa in maalinka beri ah gelinka hore ay booqanayaan Garoonka weyn ee magaalada boosaaso, kaddibna ay ka booqolaan deegaanada Puntland.
SomaliSwiss Boosaaso
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Boosaaso |
You must be logged in to post a comment.