Booliska magaalda Zürich oo joojiyey Nin 58 Sano jir ah oo Patante la’aan watay Gaari mudo 40 sano ah!!

Halkaan ka akhri

Nin 58 Sano jir ah  oo watay Gaari ayaa waxaa shalay ay joojiyeen Baliiska Affoltern am Albis ee Kantan Zürich, kadibna ay waydiiyeen inuu haysto sharciga baabuurta lagu wado ( Patanti ama License).

Qofkan ayaa Booliska hortiisa si dhab ah uga caddeeyey in uusan weligiis sameysan Patantaha ama sharciga baabuurta lagu wado, wuxuuna caddeeyey in uu muddo 40 Sano ah ku dhex watay Gaari gudaha wadankan Swiss-ka, gaar ahaan magaalada Zürich.

 Dhanka kale qofkan ayaa sheegay  inuu billaabay wadidda baabuurta isagoo jira 18 Sano, weligiisna ma uusan gelin wax denbi ah oo la xiriira wadidda gawaarida iyo shilalba, sidoo  kale boliiska ayaa waxay sheegeen in qofkan uu kaga tagay Gaarigiisa bartii lagu joojiyey.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: