Dhulgeriir Cabirkiisu yahay 3.1 oo ka dhacay Kanton Jura ee dalkan Switzerland.

Halkaan ka akhri

Dhulgeriir Cabirkiisu yahay 3.1 oo ah qiyaasta cabirka Richter ayaa ka dhacay Kanton Jura ee dalkan Switzerland shalay markay sacaddu ahayd 07.29 Courtételle oo wax yar u jirta magaalada  Delémont, sidaas waxaa shaaca ka qaaday dhulgeriir-yaqaanada Switzerland ee Jaamacadda Zürich..

Dhulgeriirkan ma ahyn mid waxyeelo geystay, balse dadkii halkaas ku dhaqnaa  ay ka badbaadeen waxyeelada Dhulgeriirkaas, hase yeeshee Dhulgeriirkaas wuxuu dildillaaciyey dhul dhirirkiisa gaaraya 10-KM, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Boliiska Kanton Jura.

Sida la wada ogsoon yahay Switzerland ayaa ah Gobol ku badan Dhulgeriirka, balse ma ahan dhulgeriirkaas mid wax yeeladiisu culus tahay.

Sanad-kasta waxaa dalkan Switzerland laga diiwaan-geliyaa dhacdooyin dhulgeriir ah oo dhan 500 ilaa 800 goor, 10 ka mid ah dhulgeriiradaas waa kuwa waxyeeladoodu ay culus tahay, kuwaas oo dhaca  60ilaa 100 Sano mar.

Sida la sheegay dhulgeriirkii ugu cuslaa ee ugu danbeeyey wuxuu ka dhacay magaalada Sierre ee Kanton Vallese Sanadku markuu ahaa 1946-dii..

Sida Khubarrada Dhulgeriirka ay sheegeen dhulgeriirada ka dhaca Swiss-ka waxay ka dhashaan Isku dhacyada Qaaradaha Afrika, Yurub iyo Asia.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: