Degmada Yaaqshiid oo ka badisay Wadajir.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo maraya marxaladihii ugu dambeeyey ayaa waxaa galabta garoonka Coonis Stadium degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ciyaar kulul ay ku dhexmartay degmooyinka Wadajir iyo Yaaqshiid, ayadoo kulankaasina uu ahaa Semi finalka tartanka degmooyinka.

Garoonka oo maalinba maalinta ka dambeysa taageerayaasha, mas’uuliyiinta iyo dadweynaha usoo daawasha taga ay sii kordhayaan ayaa waxaa maanta uu ahaa jawigiisu mid ka duwan sidii hore marka loo eego xaga xamaasada kulanka iyo xifaaltanka ay muujiyeen taageerayaasha labada degmo waa Wadajir iyo Yaaqshiid.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis waxaana qeybta koobaad lagu kala nastay gool iyo eber oo ay ku hogaamineysay degmada Yaaqshiid balse markii qeybta Labaad la isku soo laabtay ayaa waxaa degmada Wadajir usuurto gashay ciyaartooydeeda iney keensadaan gool taasi oo ciyaarta ka dhigay bar baro.

Waqtigii loogu talagalay ciyaarta iyo daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu darayba waxaa ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac oo min hal gool ah waxaana markii dambe lagu kala saaray rigoorayaal taasi oo degmada Yaaqshiid ay ku badisay.

Degmada Wadajir waxay kaalinta Seddexaad la ciyaari doonaan degmada Hodan oo shalay laga adkaaday halka ay degmada Yaaqshiidna maalinta Jimcaha la ciyaari doonto degmada Dharkenley ciyaarta Finalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: