Dab ka kacay Xero ku taala magaalada Geneve oo ay degan yihiin dad qaxooti ah.

Halkaan ka akhri

Dab ka kacay xero ay deganaayeen dad qaxooti ah oo ku taala magaalada Geneve ee dalkan Switzerland, “11 qof ayaa ku dhaawacmay, afar ka mid ah dadkaasi dhaawacoodu waa halis” sidaa waxaa caddeeyey Boliiska Kanton Geneve.

Dabkan ayaa lagu soo warramay in billaabmay sacadda markay ahayd  15ka galbnimo ee shalay wuxuuna dabkaas uu qabsaday qolol ay degganaayeen  300 qof  oo dadka qaxootiga ah ee halkaas ku noolaa, balse nasiib-wanaag waxaa goobtaas soo gaaray Ciidanka dab-demiska oo bakhtiyey dabkii halkaas ka kacay, ayna ku badbaadiyeen guryo ku yaalay dabaqyada sare ee daartii dabka qabsaday.

Philippe Brandt oo ah Codbaahiyaha Ciidanka Boliiska ee Kantoonkaas ayaa sheegay in dadkii soo gaaray dhaawaca culus lagu qaada Diyaaradaha qumaatiga u kaca waxaa loola caray Cisbitaalada Waaween ee ku yaala Kanton Geneve.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo xeradaas dab qabsado, sidaas si la mid ayaa wuxuu dab qabsaday bishii Abriil 2011.

SomaliSwiss     Geneva

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: