Ra’isal wasaare C/wali Gaas iyo Madaxweyne Faroole oo ku sugan degmada Carmo.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/wali  Gaas iyo madaxweynaha Puntland ayaa goordhow gaaray degmada Carmo ee gobolka Bari iyaga oo ka soo ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar waxaana ku soo dhaweeyey Degmada Carmo saraakiil iyo waxgarad ka soo jeeda Degmada Carmo.

Wasiirka Aminiga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Wafdiga madaxweynaha Puntland  iyo Ra’isal wasaaraha dowladda KMG ay kormeer ku sameyn doonaan xarunta  akadeemiyada Carmo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Boolis ah oo uu u socdo tababar.

Ra’isal waaaraha dowladda KMG  Soomaaliya C/wali Maxamed Gaas iyo madaxweynaha C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa u sii gudbi doona magaalada Boosaaso, iyadoo laga dareemayo magaalada Boosaaso diyaargarow xooggan, waxaana aad loo adkeeyey amaanka magaalada iyo dhamaan wadooyinka soo gala.

Si kasta ha ahaatee illaa iminka lama shaacin sababta uu ra’isal wasaare Gaas u tagay socdaalkiisan magaalada Boosaaso.

Ra’isal wasaare Gaas iyo madaxweyne C/raxmaan  Faroole  ayaa saakay tagay degmada Qardho, iminkana ku sugan degmada Carmo, waxaa ayna usii gudbi doonaan magaalada Boosaaso.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: