Madaxweyne Shariif oo markii labaad maanta la kulmay xildhibaanadii xilka ka qaaday Sharif Xasan

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ka dhacaya Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kulan labaad ee u dhaxeeya Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo guddi ka socda Xildhibaanadii xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheikh Aadan, hase ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in kulanka maanta uu yahay mid aad u adag maadaama la doonaya in kulankan laga soo saaro  go’aan kama dambeeys ah.

Balse warar lagu kalsoon yahay oo ka soo baxaya  Kulanka ka socda xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in kulankan la filaya in laga soo saarao go’aano ku wajahan xil ka qaadista Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka oo la sheegayo in mudanayaashu ay ku adkeysteen go’aanka xil ka qaadista ah, halka Madaxweyne Shariif codsi uu u jeediyay guddiga Xildhibaanada ka socda inay dib uga laabtaan xil ka qaadistooda, hase yeeshee ay ku gacan seyreen codsiga Madaxweynaha.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aanu ka heleyno kulanka maanta ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu ku celceliyey codsigiisii ku aadanaa in Xildhibaanada ay dib uga laabtaan go’aankii ay xilka uga qaadeen Guddoomiyaha Barlamaanka.

Sidoo kale Wararla ka soo baxaya Xarunta Madaxtooyada  ayaa sheegaya in dhexdhexaadinta Madaxweyne Shariif uu ka wada arrinta Shariif Xasan iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ay u muuqato mid aan meel mar ahayn, isla markaana go’aan Baarlamaanku ay tahay inuu sidiisa u hirgalo.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sh. Shariif Sheikh Axmed ayaa iminka u muuqda mid xaaladu ku cakiran tahay isla markaana dhex galay arrimo aad u culus, hase yeeshee dadka siyaasadda u dhuun-doloola ayaa  waxay mala’awaaleen in kulanka maanta ka dhacayo xarunta madaxtooyada Villa Somalia la filayo inuu noqdo mid aan waxba  ka soo baxin.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: